DHAGAYSO: Maxuu yahay Mamulka Kismaayo loo dhisay?, Kaalin intee la eg ayayse Raaskambooni ku leeyihiin
Magaaladda Kismaayo ayaa waxaa looga dhawaaqay Maamul KMG ah kaas oo ka shaqeyn doona howlaha Magaaladda.
Maamulkan ayaa sida muuqata waxaa ku mideysan ciidamada dowlada iyo kuwa Raaskambooni ee ka qeyb qaatay in Shabaab laga saaro Kismaayo.
Hadaba Maxuu yahay Maamulkaas, kaalin intee la eg ayayse raaskambooni ku leeyiniin.
Riix Halkan si aad udhagaysato Waraysi Gen Saxardiid
Gen Ismacil Saxardiid oo ah Taliyaha ciidamadda xoogga dalka ayaa sheegay in Maamulkaas uu mudo bil ah shaqeyn doono.
Kadib ayuu tilmaamay in la sugi doono maamul lasoo dhiso dhinaca uu doono haka yimaadee