afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
5:13 pm | Posted by

Xildhibaano Iyo Siyaasiyiin Ka Tirsan Dowladda Soomaalia Oo Cambaareeyay Xarig Iyo Jirdil Loo Geystay Dad Ku Dhaqan laascaanood

Xildhibaano Siyaasiyiin iyo Waxgarad Ka soo jeeda Gobalka Sool ayaa maanta si kulul u Cambaareeyay xarig iyo jir dil joogta ah oo ay sheegeen in maamulka Soomaaliland ay kala kulmaan dadka shacabka ah iyo suxufiyiinta ku nool gobalkaasi.

Odayaal, Waxgarad, iyo xildhibaanno ka soo jeeda deegannada Khaatuma oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dhacdadii Laba Cisho ka hor ka dhacday magaalada Laascaanood ee gobolka Sool waxeyna baaq u direen dowladda Federaalka Soomaaliya in arrintaasi ay soo faragaliso.

Ugaas C/llaahi Ciise Nuur oo ugu horeyn ka hadlay shirka ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin dhacdadii ka dhacay magaalada Laascaanood, isla markaana ay cambaareynayaan, isagoo intaa raaciyay in Soomaaliland ay khalad ku tahay in ay jeelka dhigto dad aan waxba Galabsan.

Sidoo kale Xildhibaan C/waaxid   Shariif  jaamac ayaa tilmaamay in sababta dadka lagu xiray magaalada laascaanood ay tahay taageerada ay u muujiyeen dowladda Federaalka Soomaaliya, maadaama ummadda Soomaaliyeed ka ka gudubtay KMG, isla markaana ay waajib ku tahay in ay taageeraan dowladdooda.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha Guddiga Saxafiyiinta maamulka Khatauma State ayaa cambaareeyey falkii ka dhacay magaalada Laascaanood kaas oo xabsiga loogu taxaabay Saxafiyiin Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay ka warramayeen dhacdadii ka dhacday Laascaanood, taasina ay sii xoojineyso dhibaatada sida gaarka ah u heysta Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Magaalada laascaanood ee gobolka Sool ayaa ah meel ay marar badan isku qabteen Somaliland iyo maamulka Khaatuma State, iyadoo aysan jirin cid si gaar ah u dhex dhexaadisay, waxaana arrintaasi ay soo shaac baxday xili uu weli taagan yahay khilaafka u dhexeeyey labadaasi dhinaca.

 

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Moqdisho/Somalia

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

1 Comment for “Xildhibaano Iyo Siyaasiyiin Ka Tirsan Dowladda Soomaalia Oo Cambaareeyay Xarig Iyo Jirdil Loo Geystay Dad Ku Dhaqan laascaanood”

  1. fadumo khatumo
    October 15, 2012 - 4:01 pm

    ascm horta afbakayle wanku salamay salanta islamka walal horta waxan donaya bal inan ogaado adiga waxan aad uga yaaba waxyabo aad webkagan ku baahiso seey yihiiin camal walahay horta ma fahmin bal aan waxbadan aqriyo inshalahu inader kadib ayan is waraysananaynaye inshalahu
    mahadsanid

    Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM