afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
5:29 pm | Posted by

Baarlamanka Somalia oo dalbaday in 48 saac gudahood lagu horkeeno raisul wasaaraha la magacaabay

Waxaa maanta xarunta golaha shacabka Qaranka ee magaalada Muqdisho kulan isugu yimid xildhibaanada baarlamannka Somalia kaasoo looga hadlay arimo ku saabsan xeer hoosaadka baarlamanka iyo xaaladaha kale ee dalka.

Kulanka maanta oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha baarlamanka Somalia Prof. Maxamed Cismaan (Jawaari) ayaa waxaa soo xaadiray ilaa 250 xildhibaan, waxaana loo qeybiyey qoraalo ku saabsan xeer hoosaadka baarlamanka.

Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in xildhibaanada laga doonayo iney xeer hoosaadka ku soo aqristaan muddo shan maalin ah ka dibna ay fekerkooda kaga dhiibtaan dood soconb doonta illaa 3 maalin, isagoo xusay in ugu dambeyn wax ka dhimid iyo wax ku kordhin ka dib la gelin doono cod si loo ansixiyo.

Dhinaca kale, xildhibaano fara badan oo ka hadlay kulankii maanta ayaa isweydiiyey sababta illaa hadda loo horkeeni la’yahay raisul wasaaaraha cusub ee dhowaan loo magacaabay Somalia Cabdi Faarax Shirdoon, iyagoo gudoomiyaha baarlamanka uu sheegay in haddii la isku raaco ay madaxweynaha ka codsan karaan 48 saac gudahood inuu ku hor keeno baarlamanka raisul wasaaaraha uu magacaabay si loo ansixiyo, taasoo markii dambe la isku waafaqay.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo hadda looga fadhiyaa inuu labo maalin gudahood ku horkeeno baarlamanka raisul wasaaraha cusub, iyadoo ay soo bnaxayaan warar kale oo sheegaya in madaxweynuhu uu waday qorshe kale oo ahaa in golaha wasiirada la magacaabo ka madaxweynaha iyo golihiisa wasiirada si wadajir ah loo horgeeyo baarlamanka.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM