afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
8:01 am | Posted by

Xiddig cabsan oo Gaari qaali ah dhex marsiiyay Dukaan camiran & Goobtii oo lagu kala cararay (Daawo LIVE Yaabka dhacay)

Xiddiga Qaranka Beljemka iyo kooxda Terek Grozny ee horyaalka Russia Jonathan Legear ayaa waxa uu dhigay Iskoor cusub oo aan Xiddig hore wali ku kicin. Ciyaaryahan Jonathan Legear oo Qamri soo qarsaday kana soo dhergay ayaa waxa uu dar daray oo dhexda ka maray Dukaan weeyn oo ku yaalay meel Kaalin Shidaal ah.

 

HALKAN RIIX OO DAAWO QASAARAHA LACIBKAAS GEySTAY

Xiddigaan oo aad u sarqaansan waxa uu watay xiligii uu Shilka galayay mid ka mid ah gawaarida Dunida ugu qaalisan kaas oo lagu magacaabo Porsche .Ciyaaryahan Jonathan Legear waxaa la sheegay inuu Booliiska ka cararayay si aan Leeysinka gaariga looga qaadin balse wuxuu si lama filaan ah u qarbuday Hantidii taalay Dukaanka taas oo qiimaheeda lagu sheegay Aduun gaaraya 300.000 oo Euro.

“Mar qura ayaanu Dukaanka ka kala cararnay markii uu na soo galay gaari xoog ku socda waxaana u maleenay Qof Miineeysan oo is Qarxin raba ayay tiri Lisa Vanlanthon oo ka mid eheed dadkii ka adeeganayay Dukaanka uu Xiddigaan cabsan gaariga Qaaliga ah la dhex galay.

Ciidamada Booliiska dalka Beljemka waxeey sheegen in Ciyaaryahan Jonathan Legear uu 3 sano ka hor sidaan oo kale gaari Shil ugu galay balse xiligaas dhibaatada ayaa aad u yareed in kastoo iminka lagala wareegay Leeysinkii Gaariga wuxuuna muteeysan doonaa Xiddigaan ganaax adag iyo in Maxkamad la soo taago .

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM