DAAWO:-Mucaaradka Obama oo bilaabay in ay si xaasidnimo ah Rasaas ula dhacaan goobaha Doorashada (Daawo Yaabka dhacay )
Xarunta doorashada magaalada Denver oo ku taala gobolka Colorado ee dalka Mareeykanka mar qura ayaa lagu kala cararay ka dib markii si toos ah Rasaas loo la dhacay goob ay ku sugnaayeen Taageerayaasha Madaxweeynaha dalka Mareeykanka Mr.Barack Obama.
Halkaan ka Daawo Taageerayaasha Madaxweeyne Barack Obama oo Rasaas la la dhacay
Xaruntaan waxaa Rasaas la dhacay rag Hubeeysan oo banaday ama kala ceeyriyay Taageerayashii Madaxweeyne Barack Obama oo goobtaas ka waday Cod bixin iyo Taageere ay u hayaan Madaxweeyne Barack Obama oo laga yaabo in mar kale dib loo doorto.
Ciidamada Booliiska dalka Mareeykanka gaar ahaan kuwa Denver oo goobtaas soo gaaray ma jirto falkaan cid ay u soo qabteen balse waxeey shaaciyeen in dhoor jeer ay Hanjabaad kaga timid Taageerayaal Cunsuriyiin ah oo si xoogan u taageersan Shaqsiga la tartamaya Madaxweeyne Barack Obama kaas oo lagu magacaabo Mitt Romney .
Ma jirto cid ku dhaawacantay ficilkaan foosha xun waxaana intii ay Rasaasta socotay Darbiyada goobtii Doorashada ku dhuuntay Taageerayaasha Madaxweeyne Barack Obama oo nafta u yaabay .
6-da Bisha Novembar ee sanadkaan aanu ku jirno ayaa lagu wadaa in dalka Mareeykanka loo caleemo saaro mar kale Madaxweeyne Barack Obama ama Mucaaraadkiisa ninka lagu magacaabo Mitt Romney .