afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
10:37 am | Posted by

Maamulka Khaatumo State oo ka hadlay hogaamiyihii Jabhada SSC ee ku biiray maamulka Somaliland

Maamulka Khaatumo State ayaa sheegay ineysan wax saameyn ah ku yeelaan doonin hogaamiyihii Jabhada SSC Saleebaan Ciise Xagla-toosiye oo ku biiray maamulka Somaliland.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha ee maamulka Khaatumo State C/casiis Sheekh Maxamuud oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay talaabada uu qaaday Xagla-toosiye ay tahay mid isaga u gaar ah oo aysan la qabanin dadka ku abtirsada maamulkooda iyo jabhada SSC.

“Somaliland markii ay ku fashilantay dagaaladii ay kula jirtay dadka ku abtirsada Jabhada SSC iyo maamulka Khaatumo waxay bilowday qorshe ay ku kala qeybineyso si ay isaga horkeento, hase ahaatee nasiib wanaag, Xaglo toosiye haddii uu wasiir ka noqday Somaliland waa isaga u gaar ah mana jirto cid uu ku metelo” ayuu intaa ku daray C/casiis Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo ayaa wasiir ka tirsan xukuumadiisa u magacaabay hogaamiyihii jabhada SSC Saleebaan Ciise Xagla Toosiye ka dib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa magaalada Hargeysa.

Hogaamiyaha Jabhada SSC Saleebaan Ciise Xagla Toosiye iyo waxgarad kale oo ka tirsan beelaha dega Togdheer iyo Buuhoodle ayaa mudooyinkanba waday dedaalo nabadeed oo lagu nabadeynayo dagaalo u dhexeeyey beelaha qaarkood iyo ciidamada maamulka Somaliland, iyagoo u kala gooshayey magaalada Hargeysa iyo degmada Buuhoodle.

Xagla Toosiye ayaa loo magacaabay wasiirka dib u dejinta maamulka Somaliland, waxaana xilka loo magacaabay Xagla Toosiye si weyn looga hadal hayaa degaanada Somaliland, iyadoo maamulka Somaliland uu doonayo in Xagla toosiye uu ka dhaadhiciyo dadka ku nool degaanada uu ka soo jeedo iney ka mid noqdaan maamulkaas.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM