afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
12:51 pm | Posted by

DAAWO+VIDEO:-Booliiska Dalka Canada oo soo bandhigay Gaangiisterka iyo Dilaaga ugu weyn Soomaalida dalkaas

Booliiska dalkaas Canada ayaa waxaa la sheegay inay soo bandhigeen gaangiisterka iyo dilaaga ugu weyn Soomaalida dalkaas ku nool islamarkaana lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa oo uuna ka dambeeyey qaar badan oo ka mid ah dhaliyaro Soomaaliyeed oo lagu dilay dalkaas oo aan wali la qaban cidii ka dambeysay dilitaankooda. 

Halkaan ka Daawo Muuqaal ahaan Soomaalida Lasoo bandhigay

Ninkaan iyo koox kale oo Soomaali ah oo ku hubeysan bistoolada islamarkaana ku hadlaayo hadalo handadaad iyo islaweyni ay ku jirto ayaa waxaa ka muuqday vidoe uu soo bandhigay telefishinka CBC NEWS ee dalkaas Kanada, Soomaalidaan oo ahaa kuwo burcad ah islamarkaana ka mid ah kooxo ku howlan ka ganacsiga iyo ka shaqeynta waxyaabaha muqaadaraadka ah ayaa waxaa la qariyey wajiyadooda maadaama ay wakli socoto baaritaan ku saabsan burcadaas, teleefishinkaas CBC news oo dacwad dheer u galay inuu helo filimkaas ayaa ay maxkamadu ogolaatey laakiinse sharuud looga dhigay inay qariyaan wajiyada ragaas lagu tuhunsan yahay inay yihiin hogaamiyayaasha burcada Soomaalida ee dalkaas Canada islamarkaana ka masuulka ah dilitaanka dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed oo lagu dilay dalkaas Kanada.

Ugu dambeyntiina iyadoo booliiska dalkaas Kanada uu sida muuqato uu ku guul dareystay inuu wax ka qabto dilkaan joogtada ah ee u dhexeeya Soomaalida ku nool dalkaas Canada, ayaa sida la sheegay ilaa iyo bishii Juun ee sandkaan ay tirada dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu dilay dalkaas ay gaareysaa ilaa iyo 6 qofood oo Soomaali ah oo labadii ugu dambeysay la dilay bishii hore ee Septembar, Laakiin arinta la yaabka leh ayaa waxay tahay iyadoo hal qof oo kaliya loo qabtey dilalkaas kala duwan ee loo geystay Soomaalidaas, Ninkaan Soomaalig ah oo lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa dilka ilaa iyo 3 qofood oo Soomaalidaas la dilay ah ayaa sida ay booliisku sheegeen waxaa ku socdo baaritaan iyadoona uu ninkaas si xor ah uu u dhex mushaaxo oo uuna u dhex socdo wadooyinka magaalada Toronto ee dalkaas Canada. 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM