Faroole oo besha caalamka kala kulmay hanjabaad Iyo Wajigabax(Maxay Tahay Sababtu)
Madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland Cabdiraxmaan Max,ed Faroole ayaa ku guuldareeystay hamigiisa ahaa in Ra,iul wasaare loo magacaabo shaqsi isaga taabacsan ama ka soo jeeda deegaanada Puntland.
Faroole ayaa dharbaaxti adag kala kulmay beesha caalamka oo udoonayay in uu maro Madaxweynaha si Ra,isul wasaare isaga ku fikir ah loo magcaabo oo ka soo jeeda goballada Puntland taa oo beesha caalamka ay ka biya diideen oo ugu danbeeyti keentay in ra,isul wasaaraha loo magacaabo Saacid .
Wararka qaar ayaa sheegay in Faroole beesha caalamka ay ugu hanjabeen in cunaqabateen la saari doonaan hadii uu dowlada Fedaraalka ka dhaafi waaya fara galinta iyo hanjabaada gooni isku taaga ah oo uu dhoor mar ku celceliyay , taa oo keentay in Faroole maalmihi ugu danbeeyay uu ka gaabsado siyaasada wadanka iyo qaabka uu Madaxweyne Xasan Maxamuud wax uwado.
Hadaba arrintaa ayaa dad badan ay soo dhawaayeen oo ay u arkaan in Faroole uu ahaa shaqsi xalka aan jecleen oo dhib badan ku haayay dowladii hore ee KMG aheeyd , waxaana lagu xasuustaa hadalladiisi hanjabaada ku dhisnaa oo ujeedin jiray dowlada KMG oo umadax ka ahaa Shariif Sheekh Axmed oo uu ku noqday la dhuun gashay .