afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
12:05 pm | Posted by

Kooxo hubaysan oo Askari Kenyan ah ku dilay Mandheera

Kooxo hubaysan ayaa dil ka gaystay Magaalada Mandheere ee dalka Kenya, iyadoo Ciidamada dalka Kenya ay sameeyeen howlgallo baaritaanno ah.

Sida ayWarbaahinta  Magaalada Muqdisho  u xaqiijiyeen dadka Deegaanka ah, Kooxo hubaysan oo aan heybtooda la garaneyn ayaa waxa ay Askari Kenyan ah ku dileen gudaha Magaalada Mandheera ee gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Kooxaha ay ku hubaysnaayeen Bastoolado islamarkaana ay dhowr Xabood ku dhufteen Askariga, iyagoo tibaaxay in dilka kaddib ay halkaasi isaga baxsadeen Kooxahasi.

Ciidamo ka tirsan  booliska Kenya ayaa gaaray goobtaasi, waxaana ay sameeyeen howlgallo baaritaanno ah oo aan la ogeyn illaa iyo hadda  cidda lagu soo qab qabtay.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada ay ku baxeen Xaafadaha Magaalada Mandheera, iyadoo arrintaasi ay cabsi ka muujiyeen dadka  Soomaalida ah ee ku sugan halkaasi oo ka baqdin qaba in Booliska dalkaasi ay Xabsiga u taxaabaan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Kooxo hubaysan dil ka geysteen gobolada Woqooyi Bari ee dalka Kenya, iyadoo inta badan Saraakiisha Ciidamada dalka Kenya ay sheegaan inay wax ka qabanayaan dhibaatooyinkaasi.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM