afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
12:29 pm | Posted by

(Maqaal) Maxay Jaamacada Bariga Afrika Faraceeda Laga Furay Magaalada Buuhoodle Ay Kusoo Kordhin Kartaa Waxbarashada Gobolka Cayn?

Tan iyo markii ay daaqada ka baxday Dowlladii dhexe ee Dalka Soomaaliya ee uu majaraha u hayey Eebe naxariistii jano haka waraabiyee  Jaale Maxamed Siyaad Barre ayaa waxa uu dalku galay marxalad ka duwan tii hore uu ugu jiray waxaana dalka ka dhacay dagaalo sokeeye oo aad u daba dheeraaday, iyagoona dagaaladaasi ay ku barakaceen in ka badan kumanaan dad ah kuwaas oo iyagu qarooxi ku galay dalalka aanu dariska lanahay iyo dalal badan oo caalamka ka tirsan, waxaana hubaal ah in dad badan oo iyagu dalka ku suganaa muddadii bur burka ahayd ay dagaaladaasi ku reebeen saamayn weyn.

Hadab iyada oo ay dhibaata kasta ay jirto dalkuna marxalado kala duwan uu soo maray mustaqbalka dalku uu kusii socday hoodaan ama hog dheer ayaa hadana waxaa jiray dadaalo xoogan oo ay dad badani ka muujiyeen dalka isla markaasna wax badan kusoo kordhiyey dalka hadii ay tahay tayeynta waxbarashada iyo kor u qaadisteedaba iyo sidoo kale hirgalinta mashaaciir horumarineed.

Gobolka Cayn waxa uu kamid yahay Gobolada ama Deegaanada dhaca ama ku yaal Waqooyiga Dalka Soomaaliya, waxa uuna ka kooban yahay Degmooyin, Tuulooyin, iyo Waliba Dhul daaqsimeed balaadhan. Sidoo kale Degmooyinka Gobolka Cayn ama Deegaano ka tirsan waxa ay xuduud la leeyihiin ama xad la wadaagaan Dalka Itoobiya.

Tan iyo markii laga xoreeyey guud ahaan dalka soomaaliya gumaystayaashii reer galbeedka ahaa ma jirin wax jaamacad ah oo laga hirgaliyey Deegaanka Buuhoodle ama guud ahaan Gobolka Cayn waxaana Dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxa ay Deegaanka  Buuhoodle uga tagtay Hal Dugsi sare iyo Labo Dugsi Hoose/Dhexe oo kaliya.

Hadaba koror aqooneed iyo baahiyo kala duwan oo dhanka aqoon kororsiga ah kadib waxaa lagu guulaystay in Magaalada Buuhoodle oo kaliya laga hirgaliyo 4 Machad oo lagu barto diinta iyo dugsi sare. Sidoo kale waxaa deegaano badan oo ku hareeraysan iyagana laga hirgaliyey dugsiyo hoose/dhexe iyo kuwa sare. Hadaba aqoonyahano kasoo jeeda gobolka cayn oo garab ka helaya aqoonyahano soomaaliyeed ayaa  markii ugu horaysay ku guulaystay in Magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka cayn laga hirgaliyo Jaamacada Bariga Afrika Farac ka tirsan, iyadoona faracan laga hirgaliyey Magaalada Buuhoodle uu ka kooban yahay kuliyado kala duwan.

Su’aasha meesha taala ayaa waxay tahay Maxay  Jaamacada Bariga Afrika faraceeda laga furay Magaalada Buuhoodle ay kusoo kordhin kartaa waxbarashada gobolka cayn?

Waxaa hubaal ah in dad badani ay su’aashan ka muujin lahaayeen ama ay ka bixin lahaayeen afkaaro kala duwan, waxaana xaqiiq ah in tayada waxbarashada gobolka cayn ay wax badan iska dabali doonto jaamacadanina  ay wax badana kusoo kordhi doonto.

Jamaaacada Bariaga Afrika faraceedan laga furay Magaalada Buuhoodle waxa uu wax badan ka saacidi doonaa kumanaan arday ah oo ka kala soo baxaysay dugsiyada sar sare ee deegaano badan oo ka tirsan gobolka cayn in ay san ka wal wali doonin halka ay Jaamacad u doonan lahaayeen ama ay u raad san lahaayeen si ay aqoontooda u koror sadaan oo ay kor ugu sii qaadaan maadaama dagalkii ama deegaankii ay ku noolaayeen laga hirgaliyey Jaamacad dhamaystiran oo ka caawin doontaa kor u qaadista tayadooda waxbarasho.

Sidee ku timi hirgalinta Jaamacadani laga hirgaliyey Magaalada Buuhoodle?

Waxaa xusid mudan in dad badan oo aqoonyahano ah ay wakhti badan ku lumiyeen hirgalinta Jaamacadani, waxaana xusid gaar ah mudan dadka sida weyn uga qayb qaatay hirgalinteeda hadii ay tahay isku dubaridkeeda iyo maal galinteedaba. Waxaana la dhihi karaa Jaamacadani waa mid ku timi afkaar badan ama fikrado kasoo maaxday aqoonyahano, kuwaas oo iyagu muhiimada siinayey sidii ay dhalinta waxbarataa u heli lahayd waxbarasho tayeysan oo gaadhsiisan heer Jaamacadeed.

Shakhsiyaadkaas ama aqoonyahanadaasi maha kuwa ka fakarayey sidii ay u heli lahaayeen dakhli balse waa kuwa ay u muuqatay baahida ka baagan xiligan gobolka cayn oo ah sidii loo heli lahaa Jaamacad dhamaystiran maadaama ay jiraan arday badan oo iyagu ku kala daadsan gudaha gobolka cayn, kuwaas oo aan iyagu helin Jaamacado si ay aqoontoodii u sii korar sadaan halka kuwii iyagu awoodayey ay u waxbarasho doonteen deegaanada kale ee soomaaliyeed iyo Jaamacadaha kale ee ku yaal dalka debadiisa.

Bur bur badan kadib waxaan dhihi karaa waxaa horumar balaadhan laga gaadhay dhanka waxbarashada waxaana si weyn loo fahmay in ay waxbarashadu tahay furaha nolosha.

Maxaa looga baahan yahay bulsha weynta ku dhaqan gobolka cayn si ay uga qayb qaataan taaba gelinta Jaamacadani?

Bulsha weynta ku dhaqan gobolka cayn ayaa si weyn looga dhur sugiyaa in ay wax badan kusoo kordhiyaan Jaamacadani si horumar balaadhan looga gaadho dhan walba maadaama Jaamacadani ay tahay midii ugu horaysay ee laga hirgaliyey deegaankani, runtii waxaa wacan in wax badan laga saacido Jaamacada waayo guriga ay Jaamacadu ay haatan ku jirto waa mid loogu balan qaaday in ay kusii wadato hawlaheeda mudo bilo ah waxaana sidoo kale jirta in Jaamacada gurigeedii rasmiga ahaa uu haatan yahay mid qabyaa isla mar kaasna ay wacan tahay in laga qayb qaato dhamaystirkiisa.

Ugu dambayntii waa maxay rajada maamulka sare ee Jaamacada Bariga Afrika faraceeda magaalada buuhoodle?

Cid waliba waxa ay leedahay rajo maamulka Jaamacaduna waxa uu leeyahay rajo laakiin ma aha mid inoo wada muuqata dhamaanteen waayo rajada aynu ku jirno iyo tay ku jiraan waa kala labo waxaana iyaga u muuqda markasta waxa taagan ee haatan xaadirka ah ee dhanka waxbarashada ah waxaana il gooni ah ay u eegayaan sidii ay u maarayn lahaayeen baahiyaha waxbarasho ee deegaanka ka taagan, waxayna si weyn uga war warayaan in arday ay waxbareen uu berito ka maalin uu san noqon mid mustaqbalkiisu xumaado waxaana u sumcad iyo sharafba u ah in dadka warbarataa la yiraahdo ninkan aqoonyahanka ah ama gabadhan aqoonta leh xagay kasoo baxeen oo ay wax kusoo barateen.

Waxaana ugu dambayntii si gaar ah ugu mahad celinayaa alle oo ii ogolaaday in aan maqaalkani aan soo gudbiyo, waxaana sidoo kale u mahad celinayaa maamulka Jaamacada Bariga Afrika faraceeda laga furay magaalada buuhoodle Dr. C/shaafi Axmed Cali.

Hadaba cidii jecel in ay la xidhiidho maamulka Jaamacada Bariga Afrika faraceeda laga furay magaalada buuhoodle Dr. C/shaafi Axmed Cali waxa uu ka heli karaa Tell:- 00252 24369898.

W/ Qoray Abdirahman Wadani

Email axmedyare1001@hotmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM