afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
8:33 am | Posted by

DAAWO:-Ciyaar Cajiib ah oo dhex martay dalalka Germany Vs Sweden & kulankaan oo noqday mid la iska Jabiyay.. (Daawo Muuqaal ahaan)

Guruub (C) Isreebreebka World Cup 2014, xulka Qaranka Germany oo ku ciyaarayay Garoonka Olympiastadium ee magaalada Berlin ayaa waxaa ka yaabsaday xulka Qaranka Sweden oo dhamaadkii Ciyaarta ku guuray. Kulankaan oo ahaa mid adag waxaa 4-0 ku hor maray xulka Qaranka Germany balse dhamaadkii Ciyaarta waxaa 4-4 ciyaarta ka dhigay xulka Sweden .

HALKAN RIIX OO KADAAWACO CIYAAR XIISO BADAN

Qaranka Germany oo dhamaan Goolasha ku hor maray waxaa u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Miroslav Klose oo labo Gool kala dhaliyay (daqiiqadihii 8-aad iyo 15-aad), Difaaca Fc Arsenal Per Mertesacker (daqiiqadii 39-aad) waxaana Goolka 4-aad raacsaday Xiddiga Real Madrid Mesut Mustafa Özil (daqiiqadii 56-aad).
Intaas ka dib waxaa Hurdada ka kacay xulka Qaranka Sweden oo dhamaadkii Ciyaarta Qaranka Germany Jihada ka dhumisay ka dib markii daqiiqado kooban ay 4-Gool ka dhaliyeen .Qaranka Sweden waxaa Goolasha Bareejada ah u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Zlatan Ibrahimovic (daqiiqadii 62-aad) , Mikael Lustig (daqiiqadii 64-aad) Johan Elmander (daqiiqadii 76-aad) iyo Rasmus Elm (daqiiqadii 93-aad).

Waa markii ugu horeeysay inta Taariikhda la ogyahay oo xulka Germany oo ku hor maray 4-Gool la soo qabto.Dhanka kale xulka Sweden ayaa isna Iskoor cusub jabiyay maxaa yeelay waa markii Taariikhda ugu horeeysay oo Sweden ay iska soo gudo 4-Gool oo lagala hormaray.

Guruub (C) waxaa 10-dhibcood ku hogaaminaya Jarmalka oo ciyaaray 4-kulan waxaana ku soo xiga Sweden oo leh 7-dhibcood halka xulka Irland uu ka leeyahay 6-Dhibcood .Sidoo kale xulka Austria oo 4-0 ku soo garaacay Kasachstan ayaa wata 4-Dhibcood .

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM