afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
5:19 pm | Posted by

DAAWO+SAWIRO:-Waasidee Xaalada Caafimaad Ee Magaalada Ceerigaabo Ee G/Sanaag

Waxa mudooyinkanbe socotay cabasho ka soo yeedhaysa cusbataalka guud ee magaalada ceergaabo ,cusbataalka ayaa bixiya adeeg caafimaad oo kala duwan sida daawaynta xanuunada guud ahaan iyo qaybta qaliinka.

Cusbataalka ayaa waxa ku tiirsan adeegiisa dhammaan bulshada gobolka sanaag qaybeheeda kala duwan ,waxana dadka bukaanka ah laga soo qaadaa meelo aad uga durugsan magaalada ceergaabo,halkaas oo loogu sameeyo adeegyo caafimaad oo kala duwan ,hadaba cusbataalka guud ee ceergaabo waxa uu soo maray marxalado kal duwan ,laga soo bilaabo 1992-1997 waxa gacanta ku haysay hay’ad lagu magacaabo copy ,hay’adaas oo fududayn jirtay dhammaan baahiyaha caafimaad ee xilligaas ka jirya deegaanka sanaag ,markii uu dhammaaday  xilligii ay hay’adaasi ka shaqaynasay cusbataalka waxa soo wajahay xaalada adag oo dhinaca adeegga caafimaad ee gobolka sanaag,taas oo keentay in ay meesha ka baxaan daawayntii bukaanka gobolka sanaag oo dhan.

Markii la soo gaadhay 2010 waxa cusbataalka la wareegtay hay’ada dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee la yidhaahdo” MSF HOLLAND”,muddo sadex sano ku dhow ayay ka shaqaynaysay cusbataalka guud ee magaalada ceerigaabo arintaas oo bulshada sanaag markale rajadii u soo celisay .

MSF waxa ay dib u habayn ku samayn dhamaan qaybaha cusbataalka ,waxa ay shaqa abuuris u samaysay shaqaale caafimaad oo ilaa 50 qof gaadhaya ,laga bilaabo xilligaas cusbataalku waxa uu noqday mid bixiya dhamaan adeegyada caafimaad noockasta si lacag la’aan .

Intii lagu jiray mudadaas waxa uu cusbataalku qaablisay kumanaan bukaaan ah oo intooda badan laga caawiyey xanuunadii hayey ,arintaas oo keentay in hoos u dhac ku yimaado heerka dhimashada hooyada iyo dhalaanka qiyaas aad u hoosaysa marka la bar-bardhigo sidii markii hore ay xaaladu ahaan jirtay gobolka sanaag.

Labo bilood ka hor ayay ka baxaday MSF goboka sanaag arintaas oo keentay in markale cusbataalkii meel cidla ah ku dhoco sida u xaqiijey ERGO agaasimaha guud ee cusbatalaaka DR:maxamed axmed cabdi(carabayti),isaga oo sheegay in haatan cusbataalku haysan adeeg caafimaad oo ku filan mudooyinka soosocda

taas oo keeni karta in shaqadii cusbataalku istaagto hadii aan la helin kaalmo caaifimaad oo deg-deg ah .

Arintaasi waxa ay ahayd mid muuqata ka dib markii aan  booqasho ku tegay cusbataalka si aan wax uga ogaado arimahaas ,waxa ishaydu qabnaysay bukaano aad u tira badan oo maalinkasta oo gaadhaya cusbataalka ,laakiin aan haysan adeegyo kufilan ,halka qaar kamid ah bukaanada ay sheegeen ay mudo jiifeen hadana aan helin wax adeeg caafimaad ah.

Ugu danbayntii agaasimaha cusbataalka DR “carabayti”ayaa ugu baaqay dhamaan dadka samafalka jecel in ay arintaas kaga qayb qaataan karaankooda .

 Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Ceerigaabo/Sanaag

Yasin Ali Isse

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM