afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
7:07 pm | Posted by

Daawo Video:-Dad Weynaha Ku Dhaqan Deegaanka Shululux Oo Ka Tirsan Degmada Yagoore Ee Gobolka Sool Oo Si Weyn U Soo Dhoweeyey Ceel Riig Ah Oo Deegaankaasi Laga Bilaabay

Dad weynaha ku dhaqan Deegaanka Shululux oo ka tirsan Degmada Yagoore ee Gobolka Sool ayaa si weyn u soo dhoweeyey ceel riig ah oo Deegaankaasi laga bilaabay, waxaana ay u mahad celiyeen Hay’addaha iska kaashay qodista ceelkaasi. Deegaanka Shululux ayaa xiliga jiilalka waxaa saamaysa biya la’aan taas oo khatar ku ah nolosha bulsha weynta ku dhaqan Deegaankaasi.

 

HALKAN RIIX OO DAAWO VIDEO-GA

 

Hadaba waxaa Deegaankaasi koormeer ku tagay Mas’uuliyiin ka socota Hay’addaha NPA iyo SRO oo iyaga iska kaashanaya qodista ceelka reega ah ee Deegaankaasi laga hirgaliyey. Waxaana ugu horeynba halkaasi ka hadlay Eng Cali Xuseen oo ka tirsan Hay’adda SRO oo iyadu qodaysa ceelkaasi, isagoona ugu baaqay bulshada weynta ku dhaqan Deegaankaasi in ay kala shaqeeyaan sidii ay u heli lahaayeen biyo nadiif ah.

Geestoodana waxaa iyana halkaasi ka hadlay Waxgaradka Deegaanka Shululux kuwaas oo iyana si weyn u soo dhoweeyey qodista ceelkani.

 

Mas’uuliyiinta ka socda Hay’adda NPA ayaa sheegay in ceelkani la qodo doono ilaa 250 Mitir taas oo laga rajo qabo in laga heli doono biya ku filan Deegaankaasi.
Si Kastaba ha ahaatee qodista ceelkani ayaa la rajaynayaa in ay wax badani ka badali doonto baahidii dhanka biya la’aanta ahayd ee Deegaankaasi hore uga taagnayd.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

1 Comment for “Daawo Video:-Dad Weynaha Ku Dhaqan Deegaanka Shululux Oo Ka Tirsan Degmada Yagoore Ee Gobolka Sool Oo Si Weyn U Soo Dhoweeyey Ceel Riig Ah Oo Deegaankaasi Laga Bilaabay”

  1. Siciid Qaybdiid
    January 4, 2013 - 6:07 am

    Maanshaa alaah ilaahay ceelkan reer shululux iyo dadka deegaankaba hawga dhigo mid anfaca dad iyo dunyaba waxaana u hanbalyeenaya dadkii dhamaan kashaqeeyay arinta iyo arimo kale uu badan uu dadka deegaanka anfacaya waxaan leeyahay maansha alaah ilaahay ayaa idiijaso marinaya dalkiina iyo dadkiinaba waxtar bay utahay ….,,

    Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM