afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
12:11 pm | Posted by

DAAWO VIDEO:-Jamaal Cusmaan oo ku adkeystay hadaladii ay ka kululaadeen wariyeyaal badan Talow Maxuu Yiri

Banaanbax kadhan ah Mid kamid ah Wariyaasha Soomaaliyeed ee Khurbaha kunool ayaa maanta ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wariyaha lagu mudaharaadayo ayaa waxaa lagu magacaabaa Jamaal Cusmaan waxaana uu kunool yahay Dalka Ingiriiska.

Jamaal Cusmaan ayaa Wargeysa The guardian Iyo Tv.ga Chennal4 ku qoray Warbixin meel ka dhac ah taas oo uu wax kaga sheegayo saxaafadda Soomaaliyeed.

HALKAN RIIX OO DAAWO WAXA UU KADHAHAY ARINKAS

Waxyaabaha uu saxaafadda Soomaaliya kasheegay Ninkan ayaa waxaa kamid ah inuu yiri Saxaafada Soomaalia waxaa ay u adeegsataa qalinka sida qoriga oo kale, sidoo kale waxaa uu yiri iyaga ayaa isku keena dilalka.

Koox Wariyaal ah ayaa kahadashay isku soo baxa maanta ka dhacay Muqdisho ee ay dhigeen Bahda Saxaafadda Soomaaliya.

Dadkii hadlay waxaa kamid ah Xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee Nosej Maxamad Ibraahin Bagistaan, waxaana uu sheegay in dowlada Ingiriiska looga baahan yahay in ay talaabo deg deg ah ka qaado Wariyahaas, ayna ilaa maxkamad daba socon doonaan.

Waa Banaanbaxii ugu horeeyay ee ay Bahda saxaafada Soomaaliya ka dhigaan Gudaha dalka gaar ahaan Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM