DAAWO+VIDEO:-Cusbitaalka Manhal Laascaanood Oo dib Maanta Loofuray
Ka dib markii daruufo kala duwan oo la soo dersay awgeed ay mudo ah u xidhnaa cusbitaalka Manhal ee magalada Laascaanood ayaa waxaa mar kale dib loo hawl galiyey qaybihii kala duwanaa ee cusbitaalkaas kaas oo bixin jiray adeegyo caafimaad oo kala duwan.
Riix Si Aad U Daawatid Cusbitalka Manhal Laascaanood
Mar aanu saaka booqasho ku tagnay cusbitaalka Manhal ee magalada Laascanood oo xiligaas ay ka socotay shaqadii caadiga ahayd islamarkaana ay ku sugnaayeen dad badan oo u yimi sidii ay u heli lahaayeen daawayn noocyo kala duwan leh,waxaana cusbitaalka ka hawl galla dhaqaatiir ay ka mid yihiin Dr C.rashiid oo ah madaxa cusbitaalka Manhal Laascaanod iyo Dr Xassan Wanaag kuwaas oo ka warbixiyey xaaladda xiligan uu ku sugan yahay cusbitaalka Manhal.
Dadwayne tiro badan ayaa isku diiwaan geliyey sidii loogu fidin lahaa adeeg caafimaad waxaana cusbitaalka ay masuuliyiintiisa ay ku wargeliyeen dhamaan dadwaynaha ku dhaqan deegaanada gobolka Sool in cusbitaalka uu si toos ah u shaqaynayo
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Laascaanood/Somalia
Afbakaylenews@gmail.com