Madaxweeyne Obama oo iska dhiciyay Mitt Romney iyo Tartankooda oo faraha la galay ilaa Liibiya (Daawo Muuqaal aan waxba la iskula harin)
Inta aan la gaarin Doorashada dalka Mareeykanka ayaa sida sharcigu yahay waxaa 3 jeer si Live ah u wada kulmi doona Madaxweeynaha dalka Mareeykanka Mr.Barack Obama iyo Masuulka kula tartamaya xilka Madaxtinimada dalkaas Mr.Mitt Romney .
Halkaan ka Daawo Madaxweeyne Barack Obama Vs Mitt Romney yaa badiyay
Kulankii koowaad waxaa laga war badiyay Madaxweeyne Barack Obama balse kulankii labaad waxaa isa soo abaabulay Madaxweeyne Barack Obama oo si aan caadi aheeyn iskaga dhiciyay Mr.Mitt Romney.
Tartanka labadaan Masuul ayaa Live ka ahaa Dunida oo idil wuxuuna is qab qabsigooda faraha la galay dilkii loo geeystay Safiirkii dalka Mareeykanka u fadhiyay dalka Liibiya.
Kulankaan oo ahaa kii labaad hadii Madaxweeyne Barack Obama laga badin lahaa waxaa adkaan leheed si mar labaad loogu doorto xilka Madaxtinimada dalka Mareeykanka maadaama su´aalaha la is weeydiinayo ay u badan yihiin wax u qabashada Shacabka dalka Mareeykanka.