Daawo Video:-Qiso yaab badan oo dhex martay Wiil isku qarxin rabay New York Central Bank iyo Ciidamada FBI-da
Quazi Nafis waa Wiil 21 jir ah oo u dhashay dalka Bangladesh wuxuuna dalka Mareeykanka yimid bishii Janaayo sanadkaan aanu ku jirno ee 2012-ka kaas oo dalka Mareeykanka ku soo galay Arday ahaan ama qaab waxbarasho (Student Visa)
HALKAN RIIX OO DAAWO VIDEO-GA
Quazi Nafis oo ahaa Taageere jajabay oo ururka Al Qaacida ka tirsan wuxuu in mudo ah raadinayay Hub iyo Walxaha qarxa si uu Naftiisa u huro ama iskugu Qarxiyo Central Bank of New York oo ka sameeysan 8000 oo qalab Dahab ah kuna fadhiya Aduun gaaraya 400 Bilyan oo Dollar.
Ciidamada Sirdoonka dalka Mareeykanka ee FBI-da oo Quazi Nafis iskaga dhigtay Argagixiso kale oo Qaraxyo ka geeysan rabto dalka Mareeykanka ayaa Gaari lagu balamay waxeey ka soo Buuxiyeen Walxaha Qarxa oo caag ah maadaama Wiilkaan Dhalinyarada ah ilaa Websetyo badan oo uu xiriir la lahaa la iskaga dhigayay Rag Al Qaacida ka tirsan oo Mareeykanka u dhaarsan .
Quazi Nafis oo isku diyaariyay inuu isku Qarxiyo Central Bank of New York ayaa waxaa Bankiga hortiisa ku sugayay Ciidamada FBI-da oo muuqaalo Cajiib ah ka soo duubay Wiilkaan dhalinyarada ah oo dhoor bilood la daba taagnaa.
Waxaa Ciidamada Sirdoonka dalka Mareeykanka ee FBI-da si weeyn ula shaqeenayay rag u dhashay dalka Bangladesh oo FBI-da ka hagayay dhaq dhaqaaqa Wiilkaan dhalinyarada ah ee ugu dambeeyntii la qabtay isaga oo is Qarxin raba.