(Deg deg) Wafdi uu hogaaminayo Garaad C/laahi Garad Sofe oo Caawa Soo gaadhay Gobolka Cayn
Waxaa Caawa Si baalaadhan Loogu Soo dhaweeyay Deeganada Hoosyimaada Gobolka Cayn Wafdi Balaadhan Oo uu Hogaamiyey Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe oo Kamida Isimada deegnaada khaatumo State ee Qaybta wayn kasoo qaatay dhismaha dawlad Qaran ee dalka Somaaliya.
Wafdigan oo Soo maray Qaybo badan oo kamida Deeganada dhanka Xuduudka Dalka Ethopia ku yaal Ayaa waxaa Si diiran ugu Soo dhawaynayey dhamaan Shacabwaynaha ku dhaqan Halkaasi intay kusoo jeedeen Magalada Buuhoodle.
Wafdigan Ayaa Qayba Ka ah Isimo & Cuqaal & Siyaasiyiin Kasoo Jeeda Deeganada khaatumo islamarkaan Dhawaanahanba Ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka Soomaaliya.
Isimida Deeganada Khaatumo , Madaxda, Cuqaasha & dhamaan BulshadaQayabaheeda kala duwan ayaa Hada Looga fadhiyaa Habkii Ay Umuujin Lahaayeen Doorka Deegaanda Maamulka Khaatumo & sidii loo xorayn lahaa goobaha hadhaadiga ku ah Gacanta Gumaystaha.
