afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
12:01 pm | Posted by

Tababar la xiriira nadaafada oo lagu soo gaba gabeyay Tulada Karin Dabeylweyn Ee G/Sool

Tababarkan oo la xiriiray nadaafada iyo caafimaadka waxa mudadii u socday ka qayblay bulshada qaybeeheda kala duwn oo ay ka midyihiin haweenka dhalinyarada odayaasha deegank, a waxaana fulinayey urur maxliga ah Tides gacana ka helaya hayada IOM .
Waxaana gabagabadii tababarkaasi ay dadka ka deegaanku uga warameen warbaahinta SBC waxyaabihii ay ka faaideen tababar mudadii ay ku jireen igoona uga mahad celiyey macalimiinti tababaray oo sheegen in waxbadan ka fahmeen .
Sidoo kale dadka degan degmada Karin dabayl wayn oo hostagta degmada Kalabayr ee gobolka Sool waxaa ay sheegen in deegankooda ay ka jiraan baahiyo badan oo la xirira dhanka arimaha bulshada ka mid yihiin caafimaadka waxbarahada iyo biyha waxana ay codsadeen laga caawiyo dhanka caafimadka oo ay tilmaameen baahidooda uga wayn madaama aysan tuuladu lahayn goob caafimaad.
Caduur Aadan Caduur gudoomiha ururka maxliga ah Tides oo fulinyey tababarkan la xiriiray caafimaadka iyo faya dhowr ayaa uga mahad celiyey dadka deeganka sida ay uga faaidaysteen , waxaana uu sheegay in ay baahiyahooda u gudbindoonan hayadaha caalmiga ahTababarka fuliyay.
Tuulada Karin dabayl wayn oo la asaasay sanadii 1970kii ayna daganyihiin kudhawaad kun qoays marka la eego faca ay jirto iyo adeegyada arimahada bulshad la xiriira ee laga helo ismu dhigmaan waxaana ay leedahay oo kaliya dugsi hoose iyo kan dhexe oo aan dhamaystiranay dhanka biyahana waxaa ay ku tiirsantahay biyaha gala barkadaha xiliboodka gabi ahaana malahan goob caafimaad waxaana ay bulshada deeganku codsadeen in dhamaan laga caawiyo baahiyahaas oo idil.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM