afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
7:02 pm | Posted by

Video=Qosol Badan: Taageere Garoonka Ku Soo Dhex Cararay Oo Feeray Goolhayahe Chris Kirkland.

Goolhayihii hore ee England Chris Kirkland ayaa waxaa weeraray oo labada gacmood feer ah wajiga kaga dhuftay taageere Leeds United ah, iyadoo kooxdiisa Sheffield Wednesday ay barbaro 1-1 la gashay Leeds ciyaar ka tirsaneyd Championship-ka England.

31 jirkaan waardiyaha ka soo ahaan jiray shabaqa Wigan, islamarkaana hal kulan u saftay England 2006dii, ayaa dhulka waxaa feer labo gacmood ah la dhigay taageere garoonka ku soo dhex cararay ka dib markii Leeds ay dhalisay goolka barbaraha daqiiqadii 77aad.

 

HALKAN RIIX OO DAAWO ADIGAA QOSLAYEE

Taageeraha Leeds ayaa la arki karaayay isagoo dhoolacadeynaya markii garoonka ku dhex cararayay, Kirkland ayaa waxaa daweeyay islamarkiiba qolyaha caafimaadka waxaana uu awooday inuu ciyaarta dhameysto.

 

Falkaas uu ku kacay taageerahaas ayaa keenay haatan in FA-ga ay sheegeen inay baaritaan ku sameynayaan arintaan, islamarkaana waxaa jiro baaqyo soo jeedinaya in xabsi loo dhaadhiciyo taageeraha falkaas ku kacay.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM