War Dag Dag Ah:-Isimadi iyo Waxgaradkii Khaatumo Ee Xamar kusugnaa Oo Maanta Soogaadhay Deeganaada khaatumo
Waxaa maanta dhamaanba deegaanada maamulka State meel kastaba laga diyaar garoobey soo dhaweynta Wafti madaxdhaqameedyo ah oo yagu in mudo ah ka maqnaa deegaanadaasi, Yadoo haatan gudaha magaalada Buuhoodle aad ku arkeysid is uruursi ka socda bulshada dhexdooda iyo Haweenka oo wadooyinka saf saf u taagan.
Hadaba gudaha magaalada Buuhoodle oo aan hada ku suganahay ayaa waxaa iiga muuqda diyaar garoow qurux badan oo loo sameynayo Garaadada in mudo ah ka maqnaa deegaanada Khaatumo State, Yadoo dhanka kale ay warbixintu nagu soo gaadhey Isimadani ay ukala kicitimeen magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn iyo magaalada taariikhiga ah ee Taleex.
Waftigan oo aan wali soo gaadhin deegaanadii laga sugayay isla markaana ay shacabku u diyaar garoobeen ayaa ah kuwo yagu kusoo beegan inay soo galaan deegaanadani daqiiqado kadib, Yadoo dhamaanba ay u diyaar yihiin bulshadii ay inta mudada ah ka maqnaayeen.
Hadaba waxaan idin la soo socodsiin doonaan soo dhaweynta waftigan Isimada ah ee kasoo kicitimey caasiamda dalka somalia ee magaalada Muqdisho, oo daqiiqado kooban kadib soo gaadhi doona deegaanadoodi iyo sida quruxda badan ee loosoo dhaweyn doonan.