Dowlada Yeman oo shaaca ka qaadey in ay gacanta ku dhigey qaar ka mid ah xubnihii Maraykanku doonayey ee ka tirsanaa Al-shabaab
Wakaalada wararka ee dalka Yeman ee la yiraahdo SABA ayaa markii ugu horeysay waxaa ay shaaca ka qaadey in ay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah dadkii lacagta faraha badan ay dul dhigtey Dowlada Maraykanka ah ee ka tirsan kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya.
Dowlada Yeman ayaa daaha ka qaadey in ay xubintaasi gacanta ku dhigeen xili uu ka soo degayey Dekeda la yiraahdo Debah ee dalkaasi Yeman ku taala, balse ilaa hadda Dowlada Yeman ma aysan shaacin magaca rasmiga ah ee xubintaasi ka tirsan ururka Al-shabaab ee la raadinayey.
Xubin ka tirsan Al-Qacidada Soomaaliya ayaa wararku sheegayaan in uu xiligaasi ka soo laabtay safar uu ku tegey Soomaaliya oo ay weli ku sugan yihiin kooxda Al-shabaab ee dagaalka kharaar kula jirta Dowlada iyo weliba dhinacyada taageera.
Dawladda Yeman waxa ay sheegtay in Sargaalkan ka Tirsan Shabakadda Al-qaacidada Somaliya inuu dalkoodda u yimi gacan siinta Kooxaha Xag-jirka ah ee Dalkoodda oo ay kula jiraan dagaal adag oo uu Maraykankuna ka caawiyo.
Ururka Al- shabaab ayaa laga qabsaday inta badan deegaanadii ay katalinayeen ee Koofurta Soomaalia, iyadoona qaar badan oo kamid ah Saraakiisha Shabaab la rumaysan yahay in ay dalka isaga baxeen.