VIDEO DAAWO:- Dhibaata ay dumarka Soomaalida ah kala kulmaan Saxaraha Liibiya oo noqotey mid fool xun.
London(Afbakayle) Saxaraha u dhexeeya Liibiya iyo Suudan iyo weliba Badda u dhexeysa Italy iyo Liibiya inta badan waxaa maraa kumanaan Soomaali oo doonaya in ay galaan Qaarada Yurub si ay u helaan nolol ka wanaagsan midda ay hadda ku nool yihiin ee Qaaramada AFrika.
Sheeko aad in badan Ilmeyn doonto ayaa ka dhacda Liibiya iyo Talyaaniga Badaha iyo saxaraha u dhexeya Suudaan iyo Liibiya, waxaana Arintaasi weliba si fool xun ugu dhibtooda dumarka iyo caruurta Soomaalida ah ee Halkaasi mara.