WAR-BIXIN:- Isu diyaarinta Ciddul Adxaa oo si weyn looga dareemayo gudaha dalka Kenya gaar ahaan deeganada Muslimiinta
Iyada oo ay fooda nagu soo hayso maalinta Ciidul-adxa ayaa waxaa jira dad badan oo muslimiin ah kuwaas oo kusadaqaysanaya dadka dhibaataysan ee kujira xeryaha Dhadhaab halkaas oo lageeyay xoolo aad u farabadna oo isugu jira Geel,Lo Iyo Adhiba.
Xeryaha Dhadhaab oo ay ka howlgalaan hayado farabadan oo ay kamid yihini haayado Islamic ah sida hayada Turkiga iyo kuwa Masaari ah ayaa waxaa hada si xowli ah u socda iibsashada xoola kuwaas oo ah kuwo loogu talgalay in laqalo maalinta carafada ee fooda nagu soo haysa.
Waxaa lasoo jeediyay cabashooyin ku aadan in aanan lahubin caafimaad ka xoola dadka loo qalayo dadka kudhaqan xeraya Dhadhaab waxaana arintaas ka hadlay madaxa caafimaad ka ee xerayaha Dhadhaab Salaan Guutaale waxa uuna shegay in ay sharciga la tigsan doono cidii lagu helo iyada oo qalaysa xoolo anana cafimaad kooda lahubinin.
Sidoo kale waxaa saxaafada la hadalay qaar kamid ah dadka kudhaqan xeryaha Dhadhaab kuawaas oo sheegay in uu jiro xanuun kujira xoolaha khaastan geela iyaga oo kacodsaday dowalada in ay insha ku hayaan caafimaad ka xoolaha xiligan kusugan gobalka waqooyi bari Kenya ee ladoonayo in looqalo dadka kudhaqan xeryaha Dhadhaab.
Si kastaba ha ahaatee waxaa laga dareemayaa suuqaqa xoolaha ee dhamaan gobalka Waqooyi Bari Kenya saxmad iyo cidhiidh farabadan iyada oo ay qiimaha xooluhu kor u kaceen khaastan adhiga oo isgu xiligan oo kale aad loo iibsado.