WAR CULUS:- C/weli Gaas oo raba inuu noqdo madaxweynaha Puntland iyo Faroole oo indhaha kala furay.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladda KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan deegaano ka mid ah Puntland ayaa markaan raba inuu noqdo madaxweynaha maamulka Puntland isaga oo arintaasina wada tashigeeda uu kula jiro waxgaradka halkaas.
Mr. Gaas ayaa la sheegay in intii uu joogay Puntland uu la tashtay waxgarad badan, waxaana sidoo kale uu la tashan doonaa qaar kale oo ka mid ah waxgaradka halkaasi, isagoona markaan u arka in danweyn ay u tahay madaxweynaha Puntland.
C/weli Gaas ayaa ku hungoobay laba qorshe oo kala ahaa ugu horeeyn inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya, ka dib markii uu ka qeyb galay tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya iyo sidoo kale inuu helo xilka ra’iisul wasaaraha oo aanay u suurta gelin.
Dhanka kale C/raxmaan Faroole ayaa markaan indhihii kala qaaday, waxaana uu arkay in xaajada ay xun tahay godkisana biyo ay ugu soo galeen maadaama sanadkii uu ku darsaday iyadoo muran ay ka taagneed hadana ay yimaadeen rag culus oo xil doon ah.
Dhawaan ayaa la filaayaa in Puntland uu ka dhaco is bedalo aan caadi ahayn, waxaana laga yaabaa in Faroole oo xilka madaxweynaha maamulkaasi isku dhajinaaya si xoog ah looga qaado.
MuqdishoMan1Kan Shabaab uma eka mana ahan waa un dabadhilif ayaga ka mid ahaa ee raaban inay shacabka Muslimka Somaliyeed siraan. Wax rumaystay maba jiraan. Al-shabab waa dad diintooda Islamka ku toosan lagama yaabo inay gaalo noqdaan. Bakistani ayeey dhahaayaan waa wax lagu qoslo, waxay raaban inay gaalada ay walaalaha yihiin inay lacag ugu qaataan markay ku fashilmeen waxii loo soo kiraystay ee murtadnimada ah. Al-shabab way sheegeen inuu ninkaan usan aheen Mujahid. hadii uu shabaab yahay cadeen aaway?