afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
8:16 am | Posted by

Daawo VideO:-Soomaali badan oo Holland kasoo guurtay maxay la kulmeen?

Barnaamij xiiso badan oo ku saabsan Soomaalidii ka guurtey dalka Holland ee u wareegtay dalkaas Ingiriiska ayaa waxaa lagu sheegay inay Soomaalidaas caruurtoodii ay halkaas kala kulmeen dhib weyn oo sababay inay qaar badan oo ka mid ah caruurtaasi ay galaan xabsiyada dalkaas Ingiriiska.

 

HALKAN RIIX OO DAAWO DHIBAATADA KA HAYSATA HOLAND

 

Barnaamijkaan oo ka mid ahaa taxanaha barnaamijyo isdaba joog ah oo lagu magacaabo Nomaden and Piraten oo ay haweeneyda lagu magacaabo Yasmiin Calas ka diyaarisay Soomaalida ku nool dakaas Holland ayaa waxay haweeneydaas ay dhawaantaan kaga hadashay oo ay diirada ku saartey Soomaalidii deganayd dalkaas Holland oo sanooyinkii aan ka sooi gudubnay u guurey dalkaas Ingiriiska, Soomaalidaan oo sida uu barnaamijku sheegay ay waalidiintu halkaas ka heleen waxyaabo badan oo aysan suuro gal uga ahayn dalka Holland ayaa dhanka kale waxaa Soomaalidaas uu dhib weyn ka qabsaday xaga bar baarinta caruurtooda iyadoona Soomaali badan oo ka mid ah kuwii u soo guurey dalka Ingiriiska ay caruurtoodu ay xabsiyada dalka Ingiriiska ka buuxaan, Caruurtaan loo soo rarey dalkaas Inigiiska oo qaar badan ay hada noqdeen dad waa weyn ayaa waxay sheegeen inaysan raali ka ahayn inay u soo guuraan dalka Ingiriiska laakiin ay qasab ku tahay inaysan ka harin waalidkood, sidoo kale ayey caruurtaas waxay sheegeen inay u wanaagsaneyd dalka Holland oo ayna dareemayeen nabad gelyo buuxda halka ay dalka Ingiriiska ay ku nool yihiin cabsi.

Laakiin nasiib darada ayaa waxay tahay in qaar badan oo ka mid ah caruurtaas ay ku biireen kooxo gaangis ah oo ku mashquulsan ka ganasiga muqaadaraadka iyadoona uu kooxahaasi dhex maro dagaal ay ka dhalato dhimasho iyo dhaawac.

Ugu dambeyntiina iyadoo waalidiinta Soomaaliyeed ay badankood ka doorbideen xoogaa lacag ah iyo dhaqdhaqaaq ganacsi mustaqbalka caruurtooda ayaa Maxamed oo ka mid ahaa caruurtii ku noolaan jirtey dalka Holland ee u guurtey dalka Ingiriiska waxaa uu sheegay inay adag tahay nolosha dalkaas Ingiriiska asagoona sheegay in si aad lacag u hesho ay keeneyso inaad ka mid noqoto kooxaha ka ganasada daroogada, ninkaan oo xabsi dheer ka dib, dib loogu soo celiyey dalka Holland islamarkaana mudo 3 sanadood ah darbiyo jiif ah oo aan lahayn wax hooy ah ayaa waxaa uu sheegay inuu ka xun yahay waxa ku dhacay noloshiisa, Soomaalida oo ahd dad reer guuraa ah ayaa hadana waxaa jira in qaar ka mid Soomaalidii soo gashay waayadaan dambe dalka Holland ay jecel yihiin inay uga siitahriibaan dalka Mareykanka iyagoo sii qarda jeexaayo wadooyin iyo dalal ay noloshoodu qatar ku ah sida dalka Mexico qaar ka mid Soomaalidaas oo isku biimaayey dariiqaas ayaa ku guuleystay qaar kalena waxaa la dhigay xabsiyada.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM