Daawo:Top Video;- Gabar yar oo ku adkaysatay inay qaabisho Madaxweyne Mursi.
Xili uu booqay madaxweynaha Maser Mohamed Mursi gobalka Mersa Matrouh Jumacadii tagtay, ayaa waxa uu kala kulmay arin aad loola yaabay.
Gabar yar oo ku qeylineysa Camu Mursi ayaa isku dayday in madaxweynaha warqad ay siday u geyso xili uu dadka la hadlayay, waxeyna isku dayday inay dhexjibaaxdo waardiyihii ku wareegsanaa madaxweyna ugu dambeyna waa u martay.
HALKAN RIIX OO DAAWO VIDEO-GA
Gabadha yar oo ku adkaysatay inay warqada madaxweynaha u dhiibto, ayaa ugu dambeyn waxaa ximbaaray mid kamida ilaalada madaxweynaha oo geeyay halka Mursi taagnaa eyadoo sidaas ku qaabishay Mursi warqadiina farta ka saartay.