Ferguson: Waa La Xaliyay Murankii Igala Dhaxeeyay Ferdinand, Laakiin Ma Ciyaari Doona Kulanka Braga.
Tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa shegay in la xaliyay murankii kala dhaxeeyay Rio Ferdinand ee ku aadanaa inuu daafaca diiday inuu xirto funaanad lagu muujinyay sida looga soo horjeeda cunsuriyada.
Labada nin ayaa wadahadal yeeshay, iyadoo Ferdinand uu raaligelin ka bixiyay inuu ogeynsiin wayay Ferguson inuusan xiran doonin funaanadaas ay leeyihiin ururka la dagaalama cunsuriyada ee Kick It Out, laakiin Ferdinand raaligelin kama uusan bixin inuusan xiran funaanada madaama uu aaminsan yahay in ururkaas uu yahay kaliya magac u yaal.
Ka dib markii Ferdinand uu diiday inuu xirto funaanadaas, Ferguson ayaa sheegay inuu talaabo ka qaadi doono 33 jirkaan.
Laakiin haatan labada nin ayaa xaliyay kala duwanaanshahooda, inkastoo ay u muuqata in Ferdinand la nasasiin doono kulanka ay Champions League habeen danbe la ciyaarayaan kooxda Braga.
Ferguson ayaa ku yiri shirkiisa jaraa’id: “Ma jiraan wax dhibaato ah. Waxa ay aheyd dhibaato ku timid wadahadal la’aan. Laakiin waa la xaliyay.”
Tababaraha reer Scotland ayaana shaaca ka qaaday inuu go’aansaday in Ferdinand iyo Evra uu nasasiiyo kulanka Baraga, madaama ay sidoo kale isha ku hayaan kulana Chelsea ee axada.
“Isaga iyo Patrice Evra ma ciyaari doonaan. Waxaa jira kulan weyn oo aan la leenahay axada Chelsea.”