afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
7:45 pm | Posted by

Xog:-Maxaad kala socotaa fadeexadii ugu darneed ee Cali Maxamed Geedi uu kala kulmay madaxda dowladda Soomaaliya.

Cali Maxamed Geedi oo ra’iisul wasaare kasoo noqday Allah u naxariistee dowladii C/laahi Yuusuf Axmed uu hogaaminaayay ayaa fadeexad aan caadi ahayn waxa uu kala kulmay madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.

Mr. Geedi ayaa la sheegay in markii la doortay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu u tagay, isaga oo ka dhaadhicinaayay in wasiirada lasoo magacaabi doono in dad uu watay loogu daro.

Hase ahaatee madaxweynaha ayaa la sheegay inuu u sheegay Mr. Geedi inay dhamaatay qabiil qabiil iyo is afgarad, laakiin wax lagu soo xulan doono maxaad taqaanaa, maxaad qaban kartaa, maxaadse qabatay.

Intaasi ka dib ayaa Cali Maxamed Geedi ayaa waxaa soo wajahay yax yax aan caadi ahayn, isagoona fadeexada soo wajahday awgeed uu si deg deg uga soo baxay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee
magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jirtay siyaasiyiin aad iyo aad u badan islamarkaana ku hungoobaayay mas’uuliyiinta dowladda cusub oo ay ka rabeen xilal kala duwan, iyadoona taasi aanay surta gal u noqon in laga aqbalo..

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM