DAAWO+SAWIRO:-Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo Galabta si heer sarre ah loogu soo dhoweeyey Nairobi kadib muddo dheer oo uu ku sugnaa Muqdisho.
Garoonka diyaaradaha ee Jomka Kenyaata ee Magaalada Nairobi waxaa galabta si heer sare ah loogu soo dhoweeyey Beeldaajaha Guud ee Beelaha Cali Bari, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin Beeldaaje Cali, kaasi oo mudooyinkii dambe ku sugnaa Magaalada Muqdisho halkaasi oo uu kaga qeyb galay shirkii Odoyaasha dhaqanka.
Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje ayaa kadib soo dhoweyntiisa waxaa uu kulan la qaatey inta badan Jaaliyada kala gedisan ee Beelaha Cal Bari kuwaasi oo si diiran ugu soo dhoweeyey Magaalada Nairobi, waxaana kulankii koowaad oo ka dhacay qeybta VIP-da ee Garoonka Joma Kenyata uu Beeldaaje Cal Bari kaga warbixiyey safarkiisa iyo weliba arimaha uu socdo.
Waxaa uu Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin goobta ka sheegay in ay waxyaalo badan u soo qabsoomeen isla markaasna uu guul ugu soo dhamaaday shirkii Odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ka soo baxday Dowlad rasmi ah kadib keenista Ergadii, Ansixintii Dastuurka iyo weliba la socodkii odoyaasha ee Arimaha Doorashada.
Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin ayaa kadib kulankaasi waxaa loo dhaqaajiyey dhanka Hotelka uu ka degi lahaa Magaalada Nairobi ee xaruunta dalka Kenya, halkaasi oo uu mar kale kulan kula qaatey qeybo ka mid ah Bulshada oo ku sugayey gudaha Magaalada Nairobi, waxaa xusid mudan in dhowaan ay dhici doonaan shirar xog waraysi ah oo ay qaadan doonaan Jaaliyada iyo Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje.
Ugu dambeyntii Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin ayaa safarkiisa waxaa uu ku lug leeyahay arimo badan oo khuseeya arimaha deeganada Cal Bari ee lagu caleemo saarey, iyo weliba arimo kale waxaana la filayaa in uu safarkiisa u sii dhaqaaqi doono meelo kale oo ka tirsan dalalka Carabta halkaasi oo uu casumaad ka helay.
Toddobaadyo ka hor waxaa Muqdisho ku soo dhamaaday kulan qaatey muddo dheer kaasi uu Beeldaajuhu ku casumay dhamaan waxgaradka iyo Cuqaasha Muqdisho ka joogtey Beelweynta Daarood, waxaa kaloo kulankaasi ka qeyb galay Siyaasiin hore iyo kuwo haatan ee dalka jooga, iyadoo ugu dambeyntii laga soo saarey qodobo ay ku jirtey taageeradii Beesha Daarood ee Ra,isal wasaare Saacid Shirdoon.
Abdirahman Aato
Nairobi-Kenya









