DAAWO+SAWIRO:-Maxkamad kutaalla Garoowe oo maanta Xukun dil ah ku riday Nin ajnabi ah (Akhriso)
Maxakamada darajada koowaad ee Maamulka Puntland ayaa waxa ay maanta ku xukuntay dil toogasho nin ajnabi ah oo ay ku eedeeyeen falal ka dhan ah amaanka oo uu kawaday Degaanada Maamulkaasi.
Ninkaani ayaa waxa lagu ee deeyay in uu soogalin jiray Dalka Soomaaliya gaar ahaan degaanada uu ka arimiyo Maamulka Puntland hub iyo walxaha qarxa.
HALKAN RIIX OO DAAWO XUKUNKA MAXKAMADA
Ninkaan ayaa waxaa la sheegay in uu kasoo jeedo dhalasho ahaa Dalka Yaman waxaana lagu maga caabaa Saalixi waxaana da’diisa lagu sheegay 50-jir waxaana maanta Maxkamada darajada koowaad ee Maamulka Puntland ay ku xukumtay dil toogashoxukunkiisa kadib ayaa waxaa loo dhaqaajiyay dhankaa iyo Madaxtooyada Maamulkaasi oo uu haatan halkaasi kuxiran yahay.
Waxaana ay Maxkamada ay sheegtay in ninkaan uu soogaliyay Degaano uu kataliyo Maamulka Puntland, doon ay saarnaayeen Baskoolado iyo walxaha qarxa waxaana ay Maxkamada hoosta ka xariiqday in ninkaan kasoojeeda Yaman in uu in mudaa ka shaqeenaayay Degaanada Maamulkaan.
Sidoo kale waxaa ninkaan lagu eedeeyay in uu hubkaan iyo walxaha qarxa uu u geen jiray Al-Shabaabka ka dagaalama Buuraha gal gala.
waxaana ninkaan iyo doontiisaba laga soo qabtay Xeebta Dagmada Xaabo xilli uu halkaasi ka dajinaayay Doontaan ay saarnaayeen walxahaan qarxa iyo Baskooladaha.
Wararkii ugu dambeeyay ee haatan naga soogaaraya Maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in ninkaan uu qirtay doon ay qabteen Ciidamada amaanka ee maamulkaasi kuwaas oo ay saarnaayeen Baskoolado iyo walxaha qarxa in uu lahaa isaga.
Waa markii ugu horeysa oo ay Maamulka Puntland ay xukun dil ah ku fuliyaan nin ajnabi ah taas oo ay dadbadan layaabeen.
