Falanqeynta Group H Champions League: Man United Oo Old Trafford Ku Soo Dhaweyneysa Braga.
Manchester United ayaa martin gelin doonta kooxda Sporting Braga, halka CFR Cluj ay wajihi doonto Galatasaray ciyaaraha Group H Champions League ee caawa la ciyaarayo.
Inkastoo Braga aan laga badinin shantii kulan ee ugu danbeysay ee ay ka horyimaadeen koox Ingariis ah, United ayaa ugu cadcad inay ku bilaabashadeeda ugu fiican ee Champions League ku sii wado Old Trafford.
United oo ku guuldareysatay inay gaarto wareegii knockout-ka ee Champions League xilli ciyaareedkii hore, ayaa guulo ka soo gaartay Galatasaray iyo Cluj, iyagoo hogaanka u haya group-kooda.
United ayaa gool looga hormaray ka soo kabsatay islamarkaana guul ka gaartay Stoke City kulankii horyaalkooda, iyagoo kaalinta labaad kaga jira kala sareynta horyaalka Premier League.
Kooxda Braga oo guuldarro kala kulantay kulankii ugu horeeyay ee group-ka kooxda Cluj ayaa guul ay u qalantay ka gaartay Galatasaray, waxaana y safrayaan Manchester iyagoo aan laga badinin shantii kulan ee u danbeysay ee ay marti ahaayeen tartamada oo dhan.
MAXAA KA CUSUB?
Chris Smalling , Nemanja Vidic iyo Phil Jones ayaa weli ka sii maqnaanaya daafaca kooxda Manchester United, waxaana Sir Alex Ferguson uu shalay sii sheegay inuu nasasiinayo Rio Ferdinand iyo Patrice Evra, taasoo keeni karta inuu tababaraha fursad siiyo ciyaaryahanka juunyeerka kooxda u ciyaara Scott Wootton.
Paul Scholes ayaa isna laga yaabaa in la nasasiiyo isagoo ciyaaray kulankii ay sabtidii ka badiyeen kooxda Stoke City, halka Tom Cleverley iyo Anderson ay sugayaan in lagu soo bilaabo khadka dhexe.
Ashley Young ayaa isna taam noqday waxaana laga yaabaa inuu ciyaaro, sida uu sheegay Sir Alex, halka Nani uu sidoo kale doonayo inuu ku soo bilowdo.
Dhanka kale Ruben Micael iyo Ruben Amorim ayaa ku tartami doona inay ku soo bilowdaan booska caawiyaha gooldhaliye Eder ee kooxda Braga.
LINE-UPKA MACQUULKA AH:
|
MANCHESTER UNITED
De Gea Rafael, Wootton, Evans, Buttner Valencia, Carrick, Cleverley, Young Rooney Van Persie |
BRAGA
Beto Baiano, Douglao, Vinicius, Elderson Custodio, Viana Alan, Mossoro, Barbosa Eder |
Kulanka ka dhacaya Istanbul, Galatasaray ayaa rajeyneysa inay nooleysa rajada ay ka qabaa inay ka gudbaan wareega group-yada, iyadoo raadinaya dhibcidoodii ugu horeysay ee tartanka.
Wiilasha Fatih Terim ayaa ugu hooseysa group-ka, madaama laga badiyay labadii kulan ee u danbeysay, laakiin hadii kulan seddexaad laga badiyo rajadooda waxa geli doontaa mugdi weyn.
Cluj ayaa Turkiga ku sii jeeda iyadoo labo kulan oo isku xigta laga soo badiyay horyaalkooda Romania, laakiin kaalinta labaad ayay kaga jiraan Group H Champions League iyagoo leh seddex dhibcood.
GROUP H:
Manchester United v Sporting Braga – Waqtiga: 9:45 p.m xilliga Soomaaliya
Galatasaray v Cluj – Waqtiga: 9:45 p.m xilliga Soomaaliya.