afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
5:58 pm | Posted by

News- Mahiga Oo Canbaareeyey Dilkii Wariye Axmed Saakin

Afbakayle Online-  Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Augustine Mahiga ayaa
warsaxaafadeed kasoo saaray.

dilalka loo geysanayo suxufiyiinta, isaga oo si gaar ah uga hadlay dilkii maalintii shalay loogu geystay Laascaanood Wariye Axmed Saakin oo ka shaqeyn jirey Telefishanka Universal TV.

“Waxaan si ba’an u canbaareynayaa weerarada foosha xun, kuwaas oo la isku dayayo in lagu aamusiyo saxaafadda, waxaana
ay saameyn burbur ah ku yeelanaysaa xiriirka bulshada” ayuu yiri Mahiga.

Waa in la joojiyaa weeraradaas, waana in ay baaraan denbiyadan maamulada iyo Somaliyaba, ayuu yiri Dr.Mahiga.

Mahiga ayaa sidoo kale tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu uu ka baxay Axmed Saakin Faarax , sidoo kale waxuu caafimaad u
rajeeyeyWariye oo dhowaan lagu dhaawacey magaalada Muqdisho, kana badbaadey dilkii qorsheysnaa ee la isku dayey in lagu fuliyo, inkasta oo xaaladiisu khatar weli tahay.

Dalka Soomaaliya ayaa ah meelaha ugu khatarta badan adduunka ee suxufiyiintu ka hawlgalaan, sanadkan oo keliya ayaa lagu dilay in ka badan 20 suxufi, waxaana la dhawaacay kuwo kale oo badan.

Afbakayle Online

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM