(Warbixin)- Dowladda Ingiriiska oo ka hadashay dilkii xalay loo-geystay Wariye “Axmed Saakin Faarax”.
Dowladda Ingiriiska oo ka hadashay dilkii xalay loo-geystayWariye Axmed Saakin Safiirka Dowladda Ingriiska ee Soomaaliya Matt Baugh ayaa wuxuu si kulul uu u cambaareeyay dilkii arxandarada lahaa, ee xalay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool loogu geystayWariye Axmed Faarax Ilyaas “Axmed Saakin”.
Safiirka oo maanta ka hadlay dilka loo-geystayWariye Axmed Saakin oo Telefishinka Universal uga soo warami
jiray Magaalada Laascaanood, ayaa wuxuu sheegay in falkaasi uu ahaa mid wuxuushnimo leh, lagana xumaado.
Matt Baugh ayaa wuxuu si kulul uu u cambaareeyay dilka loo-geystayWariye Axmed Saakin, isagoona ku baaqay in dambiilayaasha lahor keeno Cadaalada, bacdamaa uu sheegay inay geysanayaan falal laga xumaado.
Dilalka Wariye-yaasha loogu geysanaayo dalka Soomaaliya oo uu ku sheegay kuwo joogto ah, ayaa wuxuu hadana dhinacyada ka kala arrimiya Soomaaliya uu ugu baaqay, inay diirada saaraan sidii ay Sharciga ku horkeeni lahaayeen kuwo Wariye-yaasha dilaaya.
Danjiraha Dowladda Britain ee Soomaaliya Matt Baugh ayaa wuxuu sheegay in isagoo ku hadlaaya magaca Boqortooyada Britain, uu tacsi tiiraanyo leh uu u diraayo qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayWariye Axmed Saakin.
Rag bistoolado ku hubeysan ayaa waxay xalayWariyaha ay ku toogteen Magaalada Laascaanood, iyadoo aanu si cad
loo-aqoon ujeedadii ka dambeysay inay dilaanWariyaha oo ka hawl-geli jiray Telefishinka Universal.
Shacabka ku dhaqan Magaalada Laascaanood oo siyaabooyin kala duwan ula hadlayWarbaahinta, ayaa waxay qireyn
inWariyaha ay dileen rag dhalinyaro ah, oo ay tilmaameen inay bistoolado ku hubeysnaayeen loona malaynayo in laga soo Abaabulay Meelo Qorshaysnaa.
Afbakayle Online