Dhagayso:-Maleeshiyada Somaliland Oo U Hambajay Qaar Kamid Ah Wariyaasha Gobolka Sool xili Habeen Hore ladilay Wariye Axmed Saakin
Dilkii toogashada ahaa ee loogu gaystay Magaalada Laascaanood allaha ha u naxariistee wariye Axmed Saakin Faarax kadib ayaa waxa ay wariyaasha ka hawlgala Magaalada Laascaanood ay iskugu yimaadeen kulan kaas oo ay tacsi ugu dirayeen wariye Axmed Saakin Faarax oo ay fal toogasho ah ku dileen niman ku labisan dirayska ciidamada Maamulka Somaliland isla mar ahaan taana lagu tuhmayo in falkaasi ay dambeeyeen Mas’uuliyiinta Maamulka Somaliland ee Gobolkaasi. Hadaba markii uu kulankaasi soo dhamaaday ayaa qaar kamid wariyaasha ka qayb galay kulankaasi waxaa telefoono u soo direen Mas’uuliyiinta Maamulka Somaliland ee Deegaankaasi, iyagoona ugu hambajabay in ay xabsiga dhigi doonaan balse inta ay xoriyada haystaan ay iyagu si sharaf u tagaan saldhigyada Police-ka ee Magaalada Laascaanood isla markaasna ay is dhiibaan. Hadaba wariyaasha hanjabaadaasi loo jeediyey ayaa waxaa kamid ahaa wariye Faysal Jaamac Aadan ka hawlgala Idaacada Bar-kulan ee Magaalada Muqdisho waxa uuna noo xaqiijiyey mar aanu la xidhiidhnay in uu baxsad ku jiro isla mar ahaan taana ay ciidamada Maamulka Somaliland ay ku raad joogaan soo qabashadiisa.
HALKAN KA DHAGAYSO WARAYSI XAALADA FAYSAL JAAMAC
Sidoo kale waxaa iyana firxad ku galay Deegaanada kale ee Gobolka Sool qaar kamid ah wariyashaasi hamjabaada loo jeediyey waxaana ay noo cadeedeeyeen in Maamulka Somaliland uu kula kacay tacadi ka dhan xuquuqdooda maadaama haatan iyaga ay tacsi u taal, waxaana kamid ah wariyaashaasi wariye Yuusuf Cabdi Xasan Cadde oo ku magac dheer Yuusuf dheere kana hawlgala Tv-ga Somalisat iyo shabakaddaha wararka ee Nugaalmedia iyo Allssc, waxa uuna wax nooga xusay sababaha keenay in uu uga baxsado Magaalada Laascaanood iyo waliba halka uu haatan ku sugan yahay.
Isku soo wada duuboo waxaa sanadihii ugu dambaysay cirka isku sii shareerayey tacadiyada iyo dhibaatooyinka uu Maamulka Somaliland ku hayo wariyaasha ka hawlgala Gobolka Sool halka qaar kamid ahna ay ka carareen dhibaatooyinka kasoo gaadhaya Maamulka Somaliland.
Wariye Abdirahman Wadani
Email axmedyare1001@hotmail.com