DAAWO MUUQAAL:- Maamulka SNM tixraac intee le’eg ku leeyihiin dilalka iyo qaraxyada waa weyn oo ka dhacaya Magaalada Lascaanood.
Magaalada Laascaanood ee xaruunta gobolka Sool gelinkii dambe ee shalayto ayaa ciidamada Soomaaliland waxaa ay ku soo bandhigeen walxaha Qarxa oo la dhigey meel ay dadku ku badan yihiin oo ku taala gudaha Magaaladaasi, Arintaan ayaa is weydiin badan keentay.
Soomaaliland oo qaraxa soo saartey shalayto waxaa ay shacabka u sheegtay in iyaga loola dan lahaa oo lagu doonayey in lagu Xansuuqo, iyagoo weliba intaasi ku sii daray in aan haatan Qaraxyada lala eegan xaruumaha Dowlada, waxaana dadku ay aad isu weydiinayaan sababta keentay Arintasi iyadoo arintu u muuqata si kale haatan.
Hadda ka hor ayaa ciidamada Soomaaliland sidaasi oo kale waxaa ay u soo qabteen qarax la dhigey iskuul ku yaala bartamaha Laascaanood kaasi oo ay ku dhaawacmeen labba ruux balse markii dambe labbadii qof ee dhaawaca ahaa mid ka mid ah ayey Soomaaliland u xireen Qaraxyadaasi.
Waxaa xusuusin mudan in ay doraad Qaraxyo waa weyn ka dheceen Magaaladaasi, Islaa habeenkiiba lagu diley gudaha Magaalada Wariye caan ah Axmed faarax saakir, Arintaan ayaa su,aal weyn ku reebtay shacabka Laascaanood iyo weliba kuwa Gobolka Sool, kadib markii uu muuqday tuhun ah in ay iyagu ka dambeyn kareen dilkaasi Malayshida SNM.
Muqaalo fara badan oo la helay iyo weliba cadeymo dhex yaala Laascaanood oo ah meel aan looga shakin karin in ay Al-shabaab dhibaato ka geystaan oo ay weliba dadka u geystaan ayaa haatan waxaa dadka u taala su,aasha ah in ay bal is weydiiyaan waxa kala gudboon Maamulka SNM oo ah Maamul haatan u muuqda in uu shacabka xansuuqayo?
HALKAN RIIX OO DAAWO VIDEO CADAYN AH
Xafiiska shabakada afbakayle.com
Laascaanood/Sool
Afbakaylenews@gmail.com
Fadlan Akhriste Fekerkaaga Sida ugu macquulsan halkan hoose kusoo gudbi