afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
10:00 am | Posted by

Daawo Sawiro:-Sidee Looga Ciiday Magaalada Buuhoodle Ee Xarunta Gobolka Cayn?

Magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn oo kamid ah meelaha sida weyn looga ciiday maanta ayaa waxa ay dad weynaha ku dhaqan Magaalada Buuhoosdle ay iskugu soo baxeen dhamaanba goobaha cibaadada iyo garoonka weyn ee Magaalada Buuhoodle, halkaas oo ay ku tukadeen salaadii ciida isla mar ahaan taana waxa ay si weyn u soo dhoweeyeen munaasibada ciidul adxa.  Mar aanu u kuur galnay xaalada  guud ee Magaalada Buuhoodle ayaa waxa ay indhahayaga si weyn u soo jiitay ciidamo aad u tira badan kuwaas  sugayey amniga goobaha  lagu tukanayey salaada ciida ee ku yaala Magaalada Buuhoodle, iyagoona goobahaasi lagu arkayey askar wadata dirayska ciidamada Police-ka ama nabad sugida kuwaas oo si weyn xaqiijinayey amniga guud ee Magaalada Buuhoodle iyo goobaha ay salaada ku tukanayeen dad weynaha ku dhaqan Magaalada Buuhoodle.

Sidoo kale dad weynaha oo wajiyadooda ay ka muuqato farxad aad u balaadhan ayaa waxa ay hambalyo iyo salaamo aan lasoo koobi karin isku dhexmarinayeen warbaahinta qaybaheeda kala duwan, iyagoona si weyn usoo dhoweeyey munaasibada barakaysan ee ciidul adxa waxa ayna dhamaanba dadka muslimiinta ku kala sugan daafaha dunida u rajeeyeen in sanadkan sanadkiisan kale ay bash bash iyo barwaaqo ku gaadhaaan isla munaasibadan oo kale.

Hadaba Muuqaalka Munaasibadaasi Halkan Hoose Ka Daawo Sawiradeeda……..
Wariye Abdirahman Wadani
Email axmedyare1001@hotmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM