afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
6:20 pm | Posted by

Golaha madaxtooyada khaatumo & wafdi ay hogaminayan oo kormeero ku maraya qaybo Kamida goboladda Sool iyo Sanaag (Warbixin Akhri)

Maalinimadii shalay Waxaa Caasimadda Maamulka Khaatumo ee taleex kasoo anba-baxay wafti tii ugu balaadhnayd ee ka socota Maamulka Khaatumo waxaana waftidan horkacayey Madaxwaynayaasha Maamulka Khaatumo waa Maxamed Yuusuf Jaamac Indho sheel iyo Axmed Cilmi Cismaan(Karaash)

Waxayna Waftidan ujeedkeedu ahaa Kormeer iyo Hirgelinta Maamulka Degmooyin iyo Tuulooyin ay kamid yihiin degmada Awr-boor gays iyo Degmada Fiqi fuliye,waxaana waftidan ay kormeer kusoo mareen Tuulooyin ay kamid ahaayeen KALCAD,LAABAAS,SARMAANYO iyo XABAALO CAMAARE oo dhamaantood hoostada Degmooyinka Taleex Awrboogays waxaana waftidani ay shalay gelinkii danbe soo gaadheen degmada awrboogays oo ka tirsan gobolka sool.

Bulshadda qaybeheeda kala duwan iyo odayaasha dhaqanka ee degmada awrboogays oow aftidan kusoo dhaweeyey awr boogays ayey maanta oo ciid ahayd shacabka degmada awrboogays ay kala qayb galeen Salaada Ciida ee Ciidul ADXAA waxaana Madaxda Maamulka Ugu saraysaa Ay Habmalyo ku aadan Munaasabadda ciida warbaahinta u marinayaan dhamaan shacabka reer Khaatumo inta ku Nool goboladda SSC ee Maamulka Khaatumo iyo inta Qurba Joogta ahba.

Waftidan ka socota Maamulka Khaatumo ayaa Safarkooda ku Tagi Doona degmooyinka Fiqi-fuliye oo ka tirsan gobolka Sanaag iyo degmada Xudun oo Gobolka Sool ah.

Fiiro Gaar ahCilad Dhanka Internetka Dartiis Sawiraadda Idiimna Soo gudbin karno Balse Saacadaha Soo socda Insha Allah waanu idiin soo gudbin doona

Maxamed Cismaan C/nuur Xaashi
Laascaanood31@hotmail.com

  • Degmada Awr-Boogays Gobolka Sool

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM