Ceerigaabo:-Roobabkii Dayrta Oo Ka Da,ay Qaybo Badan Oo Kamid ah Gobolka Sanaag
Roobab lixaadleh oo maanta ka da’ay gudaha magaalada Ceerigaabo iyo qaar ka mida deegaanada hoos taga gobolka Sanaag, Roobabkan oo ah kuwii deyr ta Isla markaana si is daba jooga uga soo curtey deegaanada hoos taga gobolka Sanaag.
Roobabkan deyrta ah ee ka da’ay gudaha magaalada Ceerigaabo iyo deegaanada hoos taga ayaa ah kuwo aan yagu wax saameyn ah oo waxyeelo u geysatey deegaanadan, Yadoo ay umada Muslimiinta ah ee ku nool gudaha magaalada Buuhoodle si kal iyo laab ah ay Alle u baryayaan in uu ka dhigo mid Barwaaqadiisa wata, Waxyeelana Alle ka fogeeyo”Raxmaadkiisan”.
Roobabkan deyrta ah ee ka da’ay deegaanadan ayaa ah kuwo buux dhaafiyey dhamaanba goobihii keyd ka biyaha ee Reer guuraaga iyo kuwa ku dhaqan gudaha magaalada ba”Baraagaha.
Xiligan roobab Dayrta ay ka curteen Guud ahaan deegnada Khaatumo ayaa ay kusoo beeg maysaa xili Ay deegankaas ay ka jireen biyo yaraan soo wajahday.