Daawo Video:Bayaankii Dhawaan Sida wada jirka U soo Sareen Maamulada Khaatumo,Awdal, Iyo Khaatumo State
Bayaan ay wada jir u soo saareen maamuladani oo ka digaya habkii dawlada dhex u wajihi lahayd wada hadalka dhex mari doona dawlada dhexe iyo maamulada ka jira gobolada waqooyi..
Aqoon yahan aad u tiro badan oo ka soo jeeda maamulada khaatumo Awdale iyo Maakhir Sate oo war saxaafadeed ku qabtay maagaalada Toronto, Canada ayaa soo dhoweeyey madaxda cusub ee loo doortay dawlada federaalka Soomaaliyeed ee uu madaxda ka yahay mudane Hassan Sheikh Mohamoud.
War saxaafadeedkan ayaa ujeedadiisu ahayd in loo iftiimiyo madaxda cusub ee soomaaliya habka loo kala degan yahay gobolada waqooyi maadaama ay dhamaan dawladan cusubi ka soo wada jeedo gobolada koonfureed.
Ujeedada war saxaafeedkan ayaa ahaa jawaab ay ka bixinayeen shacabka deegaanadani ka dib markii madaxweyne Hassan Sheikh Mohamoud iyo mudane Abdi farah Shirdoon oo ah wasiirka kowaad ee Somaliya soo dhoweeyeen in dadka reer waqooyi ay mudan yihiin in fiiro gaar ah la siiyo.
War saxaadaeedkan ayaa ka digaya in beelaha dega gobolada waqooyi aanay ku dhamayn maamulka Somaliland loona baahan yahay in si adag looga fiirsado xidhiidhka iyo wada hadalka la isugu iman doono.