afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
1:24 pm | Posted by

Dhagayso:-Madax Waynaha Khaatumo Oo Ka warbxiyay Safarka Ay kumarayaan Degaanada Sool Iyo Sanaag

Wufuud heer caalami ah isla mar ahaan taana ay hogaaminayaan madaxweynayaasha Maamulka Khaatumo ee kala ah madaxweyne Maxamed Yuusuf Jaamac (Indha sheel) iyo madaxweyne Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) kana kooban Gollaha madaxtooyada Maamulka Khaatumo, qaar kamid ah Gollaha Wasiirada, iyo sidoo kale madax kale oo aad u tira badan ayaa maalmihii u dambaysay koormeero kala duwan ku marayey Deegaano badan oo ka tirsan Gobolada Sool iyo Sanaag, iyagoona ula jeedka socdaalkooduna uu ahaa sidii ay madaxdani uga hirgalin lahaayeen Deegaanadaasi Maamulada heer deegaan iyo heer tuulo.

Halkan Ka Dhagayso

Hadaba wufuudani oo haatan ku sugan Deegaanka Awr boogays oo ka tirsan Degmada Xudun ee Gobolka Sool ayaa waxaa ii suurta gashay in aan khadka telephone kula xidhiidhno madaxweyne Maxamed Yuusuf Jaamac (Indha sheel) oo hogaaminaya wufuudani isla markaasna aan wax ka weydiiyo waxa uu ku salaysan yahay socdaalkoodani iyo waliba cida ku wehelinaysa safarkani Madaxweyne Indha sheel.
Madaxweynaha ayaa xusay in ay socdaalkani ay ku wehelinayaa Gollaha madax tooyada Maamulka Khaatumo qaar kamid ah wasiirada Maamulka Khaatumo ayna ula jeedkoodu uu yahay sidii loo balaadhin lahaa Maamulka isla mar ahaan taana Degmooyinka iyo Tuulooyinka loo samaynayo Maamul u gaar ah.
Sidoo kale mar aan Madaxweyne Indha sheel aan wax ka weydiiyey in Maamulka khaatumo uu isagu magacaabayo xubnaha Maamulka heer Deegaan ee laga hirgalinayo Deegaanadaasi iyo in bulsha weynta ku dhaqan Deegaanadaasi ay iyagu iska soo xulanayaan xubnaha u matali doona Maamulka heer Deegaan ee lagu wado in Deegaanadaasi laga hirgaliyo waxa uuna ka dhawaajiyey in muhiimada ay siinayaan bulshada Deegaanada Maamulka Khaatumo isla markaasna ay iyagu isla soo dhex doorayaan ama ay iska soo xulayaan cidi hogaanka Deegaanka noqonaysa.
Ugu dambeyntii madaxweyne Indha sheel ayaa waxa uu ugu baaqay guud ahaanba umadda soomaaliyeed iyo waliba shacabka reer Khaatumaba in ay taageeraan is badalka cusub ee ka dhashay Dalka Soomaaliya iyo Dowladda cusub ee ka hanaqaaday Dalka, waxa uuna kula dar daarmay in umadda soomaaliyeed ay wakhtigeeda siiso madaxda Dalka Soomaaliya.

 Si kastaba ha ahaatee koormeerkan ay madaxda sar sare ee Maamulka khaatumo ku marayaan Deegaano ka tirsan Gobolada Sool iyo Sanaag ayaa kusoo beegmaya xili ay wadaan madaxweynayaasha Maamulka Khaatumo iyo bulsha weynta ku dhaqan Deegaanada Maamulka Khaatumo dadaalo la xidhiidha dhanka hirgalinta iyo dhamaystirka Maamulada heer Deegaan.
Wariye Abdirahman Wadani
Email axmedyare1001@hotmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM