afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
6:46 pm | Posted by

Jeelka Lascanood oo Buuxsam ay Iyo Shacabka Reer Lascanood kaal Yaacay.

Waxaa Jeelka Lascanood ku xidhan Kumaanan Qof oo laga soo qabtay magaalada Gudaheed iyo kuwa laga soo celiyay Hargaysa iyo Mandheera.Marka aad tagtid Jeelka Laascanood ayaa waxaad Arkaysaa sida Xun ee dadka lool dhaqmaya ee ka baxsan sharciga Aduunka u yaal qofka oo ku nool koonkan,Inkasta Shacabka reer lascanood ay samaysteen Maamulkii Khatumo State hadana waxaan wali soo gaadhin maamulkaas oo illaa hada ku sugan magaalada Taleex ee Gobolka Sool.

Dadka ku xidhan Jeelka Lacanood ayaan wax maxkamad ah la gayn ama wax danbi ah lagu hayn, balse lagu siidayn karaa madax furasho, Waxaase dadku diideen inay lacag ku bixiyaan dadkaas ku xidhan Jeelka Lascanood oo aad u liita. Marka aad eegtid Badhasaabka Jeeni Yare iyo Taliyaha Policeka ee Cali Qase ayaa labaduba danbi wayn ka galay shacabka reer Lascanood iyaga oo xasuuqay, xidh-xidhay iyo kuwa ka cararay Magaalada iyaga dartood.

Waxaana arinkan dabada ka riixaya Jabhada SNM ee magaalada aftarta koone ka fadhiya ee doonaya in looga cararo Magaalada Lascanood. Maamulka Khatumo Stat ayaan illaa hada wax dhaq-dhaaq ah ka fulin Gobolka Sool siiba magaalada lascanood shacab badan ay ku dhinteen ama ka qaxeen oo la cararay naftooda maadaama magaalada ay gacanta ugu jirto kuwo mooriyaan ah oo dad xidh-xidhay ama dilaya sidaasna lagu yidhi ulla dhaqma dadkaas.

 

Isku wada duubow Lascaanood waxaa ka jira xaalad aad u adag oo amaankii fara ka baxay, dadkiina ay iskaga carareen markii ay u adkaysan waayeen waxa ka socda magaalada Gudaheeda.

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Laascaanood/Soomaaliya

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM