afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
7:26 pm | Posted by

Daawo+Sawiro:-Kulan Gogol Xaadh U Ahaa Hirgalinta Jaamacada Umadda Soomaaliyeed Oo Ka Dhacay Magaalada Buuhoodle

Kulan loogu gogol xaadhayey sidii Jaamacada Umadda Soomaaliyeed ee Buuhoodle looga hirgalin lahaa gudaha Magaalada Buuhoodle ayaa ka dhacay xarunta Jaamacada Umadda Soomaaliyeed ee Magaalada Buuhoodle, iyadoona kulkaasi ay kasoo qayb galeen Gudoomiyaha Jaamacada Umadda Soomaaliyeed ee Buuhoodle, qaar kamid ah maamulayaasha dugsiyada kala duwan ee Magaalada Buuhoodle, Waxgarad, Aqoonyahano, Dhalinyaro iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Hadaba kulankani ayaa waxaa ugu horeynba ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacada Umadda Soomaaliyeed ee Buuhoodle Prof Ibraahim Maxamed Saciid (Balayax), isagoona ka warbixiyey qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Jaamacadani.

Sidoo kale waxaa iyana halkaasi hadalo kala duwan kasoo jeediyey madaxdii kasoo qayb gashay kulankani, kuwaas oo dhamaantood ka dhawaajiyey sida weyn ee ay u taageerayaan hirgalinta Jaamacadani.

Isku soo wada duuboo hirgalinta Jaamacadani ayaa qayb ka noqonaysa horumarka balaadhan ee sanadihii ugu dambaysay ay busha weynta ku dhaqan Deegaanada Sool, Sanaag, iyo Cayn ay ka gaadheen dhanka waxbarashada, iyadoona Jaamacadani ay noqonayso midii labaad ee laga hirgalinayo guud ahaanba Deegaanka Buuhoodle tan iyo markii ay dhacday Dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Halkan Ka Daawo Sawiro

Wariye Abdirahman Wadani



Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM