Daawo+Video-Ciidamada Kenya Oo Laba Qof Ay uga Shakiyeen Al-Shabaab Ku dilay Magaalada Mombaasa
Ciidamada Poliiska Dalka kenya ayaa sheegay in ay dileen labo ruux oo ay kaga shakiyeen in ay xiriir la leeyihiin islaamiiyinta rabshadaha ka wada wadanka Kenya.
labadani ruux ee looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin dadka falalka argagixisada ka wada dalka kenya sida ay sheegeen Poliiska Dalka Kenya,ayaa imaaneysa iyadoo ciidamada Poliiska Kenya maanta ay howlgal ay ku qaadeen guri ku yaala magaalo xeebeedka Monbaasa ee Dalka Kenya,halkaasi oo ay kaga shakiyeen in ay degan yihiin kooxaha rabshadaha ka wada Dalka Kenya,dabadeedna ku toogtay labo ruux.
saraakiisha ciidamada Poliiska Dalka Kenya gaar ahaan magaalada Monbasa ayaa xaqiijiyay in howlgal ay ku dileen labo ruux oo ka tirsan kooxha islaamiyiinta ee dhibaatooyinka ka wada dalka kenya sida ay tilmaameen.
HALKAN RIIX SIDA HAWLGALKU UDHACAY
Cadnaan Saalax Maxamed
Nairobi/Kenya
Afbakaylenews@gmail.com