DAAWO+VIDEO;-Siyaasi Caan ah oo maanta lagu dilay gudaha Magaaladda Kisumo ee Dalka Kenya
Wararka naga soo gaaraya degaanka Kisumo ee dalka Kenya ayaa sheegaya in maanta lagu dilay Siyaasi katirsanaa Xibsiga ODM ee uu madaxda u yahay Ra’isul Wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga.
Rag hubaysan ayaa rasaas la beegsaday Shem Onyango oo mar usoo tartamay jagada Xildhibaanka deegaanka bartamaha Kisumo iyo haweenkiisa xili ay saarnaayeen gaari, waxaana halkaas kasoo gaaray dhaawac iyadoona loola cararay isbitaalka AGA Khan.
Hase ahaatee mudo kadib ayuu geeriyooday Siyaasigan, halka wali xaaskiisa lagu daaweynayo isbitaalkii la geeyay sida ay sheegeen Saraakiisha caafimaadka isbitaalka weyn ee Aga Khan.
Rabashado xoogan ayaa ka soconaya deegaanka Kisumu ee maanta uu ka dhacay falkan lagu dilay Siyaasigan katirsanaa Xisbiga Musharaxa NMadaxweynaha Kenya ahna Ra’isul Wasaare Raila Odinga.
HALKAN RIIX OO DAAWO SIDA DILKA U DHACAY
Ciidamo badan ayaa lagu daadiyay magaaladda iyadoona la baadi goobayo kooxihii weerarkaas ku dilay siyaasigan caanka ka ahaa gudaha kenya.
Lama Oga cida ay yihiin kooxaha gaystay falkan dilka ah, hase ahaatee waxaa uu kusoo aadayaa xili xiliyada qaar ay ka dhacayeen gudaha kenya falal amaan xumo ah.
Dilkan ayaa kusoo aadaya xili bilowga sanadka soo aadan lagu wado in Kenya ay ka dhacdo Doorashada guud, isla markaana laga digayo in ay dhacaan rabashado lamid ah kuwii dhacay doorashadii hore markaas oo lagu murmay natiijadii doorashada.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Cadnaan Saalax Maxamed
Nairobi/kenya
Afbakaylenews@gmail.com
