afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
11:03 am | Posted by ducaale

WAR DEG DEG AH:- Qarax Miino oo lagu Qaarajin rabay shiikh Axmed Madoobe oo Goor dhaw ka dhacay magaalada Kismaanyo

Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax Miino oo aad u xoog badan

waxaana qaraxaasi la sheegay in la damacsanaa in lagu Qaarajiyo Axmed Madoobe oo ah gudoomiyaha KMG ee magaalada Kismaayo ahna gudoomiyaha ururka Raaskambooni.
Qaraxan ayaa waxaa lagu aasay meel wado ah, waxaana la sheegay in lala eeganaayay gaadiid galbinaayay Axmed Madoobe hase ahaatee markii dhamaan gaadiidkaasi ay gudbeen ayaa la sheegay in Miinada ay qaraxday.

Goobjooge ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa inoo sheegay in Miinada ay ahayd mid xoogan islamarkaana laga kala maqlay meelo badan oo ka mid ah magaaladaasi, waxaana ilaa iyo haatan la ogeen qasaaraha ka dhashay.

Qaraxa ka dib ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskambooni waxay bilaabeen howlgalo aad u xoogan iyagoona soo qab qabtay
tiro dad ah kuwaas oo looga shakiyay inay wax ka maleegayeen qaraxaa ladoo nayay in lagu dilo sheek axmed madoobe

wixii warar ah ee kasoo kordha qaraxaas kala soco shabakada afbakayle online
hadii allah idmo

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM