XOG CULUS:- Shariif sakiin oo mar kale ku hungoobey in uu xil ka hello Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.
Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xilligaan ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya in kastoo aanu ka qeyb galin kulamada baarlamaanka Soomaaliya
safaradiisa oo badan awgeed ayaa hadana si aan caadi ahayn waxa uu ugu fashilmay hamigiisa ahaa inuu ka mid noqdo golaha wasiirada cusub ee dowladda Soomaaliya.
Shariif Xasan ayaa rabay xilka wasiirka maaliyadda dowladda Soomaaliya, hase ahaatee aad ayaa loogu qoslay ka dib markii arinkaasi madaxda dowladda
Soomaaliya uu horgeeyay, waxaana loo sheegay in xitaa wasiir ku xigeen laga dhigi doonin.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa intaasi ka dib waxa uu bilaabay dadaalo uu ku doonaayo in dowladda Qadar uu ka soo dhaadhiciyo in wasiir ay uga qal qaaliso
madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha maadaama dowladaasi ay saaxiib dhaw la tahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xilal kala duwan waxa uu kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray ee KMG ahaa, waxaana dadka qaar ay u bixiyeen magaca ah Shariif Sakiin, waana nin siyaasadiisa ay tahay mid aan la dareemi kareen.
Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa dhawaan waxaa looga fadhiyaa inuu soo magacaabo golahiisa wasiirada, waxaana la ogaan doonaa ragga nasiibka u yeesha inay noqdaan wasiiro