Wariyaasha Laascaanood Ay Soo Wajahday Xaalad Amaan Daro iyo Horgalada qaarkood oo la sheegay inay ka danbeeyaan dilkii Weriye Ahmed Zaakin.
Magaalada Laascaanood ee xarunta G/Sool wararka ka imaanaya waxay sheegayaan in Suxufiyiinta halkaas ku sugan ay soo wajahday cabsidii tii ugu balaadhnayd abid. Suxufiyiinta ayaa waxaa loo soo dirayaa fariimo digniino iyo Hanjabaad ah kuwaasoo loogu hanjabayo in qudha laga jari doono hadeey joojin waayaan siyaabaha ay wararka u tebiyaan, Ama Xabsiga Loo Taxaabi Doono.
Qaar ka mid ah weriyayaashan oo aan khadka telefoonka kula xidhiidhnay waxay sheegayaan inay ku jiraanm ga’doon, isla markaana aysan dhexdooda kulmi karin. Waxay sheegayaan inaysan si madax banaan wararkooda uga tebin karin magaalada Laascaanood, isla markaana aysan sheegin karin cabudhinta, xadhiga iyo Jidh dilka joogtada ah ee shacabka magaalada lagu hayo.
Dhanka kale warar shabakada Afbakayle.com ka helayso ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in haatan baadhitaano la sameeyey oo ay sameeyeen eheladii weriyaha iyo dad kale ay muujinayaan in xubnaha maamulka G/Sool ee horgalada ahi ay lug ku leeyihiin dilkii weriye Ahmed Saakin Faarax. Horgalada jooga Saldhigyada maleeshiyaadka ee Booliska iyo maryo calasta isugu jira iyo weliba kuwa gobolka ayaa dhamaantood shakigu dul hadhsanayaa hada.
Sidoo kale ma jirto wax baadhitaan madax banaan oo la isku halayn karo oo kooxaha haysataa magaalada ay fuliyeen ilaa hada, waxayna taasi u muuqataa inay ogyihiin cidii ka danbaysay dilka Marxuum weriye Ahmed Saakin faarax Ilyaas oo 23kii bishan lagu dilay bartamaha magaalada Laascaanood.
Sikastaaba Ha ahaatee Dhawaan ayay Ahyd Markii Wariye Axmed Saakin Faarax Ay dileen kooxo Dhagar Qabayaal ah.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Laascaanood/Sool
Afbakaylenews@gmail.com