Arsenal Oo Ka Soo Kabsatay Afar Gool Oo Looga Hormaray, Islamarkaana 7-5 Ku Garaacday Reading.
Geesinimada Theo Walcott ayaa Arsenal ku dhiirogelisay soo laabasho aan caadi aheyn, iyagoo ka soo kabsaday afar gool oo looga hormaray iyagoo islamarkaana 7-5 ku garaacay kooxda Reading oo marti loo ahaa, ciyaar xamaasad leh oo dhexmartay labada kooxood.
Tababare Arsene Wenger ayaa inta badan bedel ku sameeyay ciyaartoydiisa joogta ah, isagoo soo safay ciyaaryahano da’ yar iyo kuwa inta badan kursiga keydka saaxiib la ah, halka Reading ay iyagana nasasiisteen 6 ciyaaryahan o ciyaaray kulankoodii ugu danbeeyay ee Premier League.
Goolal ay qeybtii hore kala dhaliyeen Jason Roberts, Mikele Leigertwood, Noel Hunt iyo gool uu iska dhaliyay Laurent Koscielny ayaana hogaanka u dhiibay kooxda Reading taasoo u muuqatay inay ciyaarta hurdo u dirtay xilli horeba.
Laakiin labo gool oo ka yimid Walcott, iyo goolal kale oo ay kala dhaliyeen Olivier Giroud oo bedel ku soo galay iyo Koscielny ayaa ciyaarta ku qasbay inay barbaro noqoto oo lagu darro 30 daqiiqo oo dheeri ah.
Marouane Chamakh ayaana Gunners hogaanka ugu dhiibay gool shanaad intii ay socotay 30kii daqiiqo ee dheeriga ahaa, laakiin ciyaaryahanka Reading Pavel Pogrebnyak oo bedel ku soo galay ayaana madax ugu barbareeyay kooxdiisa, taasoo ka dhigtay in ciyaarta ay u socoto rigoore.
Laakiin mar kale waxaa lagu badbaaday Walcott oo dhameystirtay seddexleydiisa, halka Chamakh uu isna dhaliyay goolkii 7aad, taasoo u xaqiijisay Arsenal guul ay u dagaalantay ka dib inay u gudbaan wareega 8da ee koobka Capital One.