Ciyaartii ugu yaabka badnayd ayaa waxaa ay xalay ka dhacday Ingiriiska taasoo dhex martay kooxaha Arsenal iyo Reading
Ciyaartii ugu yaabka badnayd ayaa waxaa ay xalay ka dhacday dalka Ingiriiska Markii Arsenal iyo Reading ay wada ciyaareen,waxaana ay ciyaartaas ku soo idlaatay 7-5 oo Arsenal ay ku badisay.
Arsenal oo garoonka la soo gashay dhalinyaro yar yar ayaa bilowgii ciyaartaba 4-0 hogaanka looga qabtay inkastoo intii aysan dhicin qaybta koowaad ee ciyaarta uu gool dhaliyay Walcott .
Qaybta labaad markii laysku soo noqday ayaa Arsenal waxaa ay hujuum adag ay ku qaaday Reading waxaana goolka labeeyay Giroud,Koscielny oo gool iska dhaliyay ayaa daqiiqadii 89 sadaxeeyay,halka daqiiqadii 90 aad uu goolka bar bardhaca dhaliyay Walcott 4-4 ayayna noqotay ciyaarta.
Waxaa lagu daray waqti dheeri ah,Arsenal ayaa sadax gool oo kale ayay ku dhalisay 30 kii dheeriga ah ee lagu daray ciyaarta, Chamakh ayaa shaneeyay,Pogrebnyak oo Reading ka tirsan ayaa 5-5 ka dhigay laakiin daqiiqad gudaheeda ayay Arsenal labo gool ku dhalisay markaa oo la daqiiqada ay ku beegnayd 120 Walcott iyo Chamakh ayaana kala dhaliyay.
Arag ban dhiga Goolasha
12? [1 - 0] J. Roberts
18? [2 - 0] L. Koscielny (o.g.)
20? [3 - 0] M. Leigertwood
37? [4 - 0] N. Hunt
45? [4 - 1] T. Walcott
64? [4 - 2] O. Giroud
89? [4 - 3] L. Koscielny
90? [4 - 4] T. Walcott
103? [4 - 5] M. Chamakh
116? [5 - 5] P. Pogrebnyak
120? [5 - 6] T. Walcott
120? [5 - 7] M. Chamakh